Xiddigii Garoonka Ee Labada Ciyaartoy Isku Qabsadeen Iyo Qiimaynta

Portugal ayaa guul waqti dambe ah ka gaadhay Hungry oo ay wada-ciyaareen kulanka ugu horreeya Group F ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Saddex gool oo lixdii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ay kala dhaliyeen Cristiano Ronaldo oo laba gool oo midkood rikoodhe ahaa dhaliyey iyo Guerreiro oo goolka furitaanka u saxeexay Portugal ka hor intii aanu CR7 keenin labada dambe.

Portugal oo inta badan maamulayay ciyaarta ayaa gool lagaga naxsaday, waxaase Hungry loo sheegay inuu offside ahaa.

Xiddigii garoonka

Cristiano Ronaldo oo laba gool dhaliyey ayaa ku qabsaday goolhayaha Hungry ee Gulacsi oo haddii aanu CR7 goolasha dhalin lahayn iska qaadan lahaa xiddignimada garoonka.

Gulacsi ayaa helay qiimaynta ugu sarraysay kulanka oo ahayd 8, laakiin Ronaldo ayaa markii uu goolka quruxda badan dhaliyey dhamaadkii ciyaarta, waxa sare usoo kacday qiimayntiisa kulanka oo intii hore aan wanaagsanayn, waxaanay isku mid noqdeen goolhayaha Hungry oo ay heesheen min 8 darajada qiimaynta kulanka.

Maadaama uu laba gool dhaliyey, rikoodho waaweyna uu jabiyey, Cristiano Ronaldo ayaa loo doortay xiddigii garoonka, kana qaaday goolhaye Gulacsi.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Hungary: Gulacsi (8), Botka (6), Orban (7), A. Szalai (7), Lovrencsics (6), Kleinheisler (7), Nagy (6), Schafer (7), Fiola (6), Szalai (6), Sallai (6).

Beddelka: Nego (5), Siger (5), Schon (6).

Portugal: Patricio (7), Semedo (6), Dias (7), Pepe (8), Guerreiro (7), Danilo (6), Carvalho (6), Fernandes (6), Ronaldo (8), Jota (6), B. Silva (6).

Beddelka: Rafa Silva (5), Sanches (n/a)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More