Shaxda Rasmiga Ah Ee France vs Germany – Benzema, Mbappe Iyo Xiddigaha

Faraniiska  iyo Jarmalka ayaa foodda isku daraya kulankooda ugu horreeya ee tartanka qaramada Yurub ee Euro, waxaanu mid walba u dagaallamayaa inuu guuleysto si uu ula mid noqdo Portugal oo ay ku wada jiraan Group F, isla markaana guul weyn ka gaadhay Hungry.

Tababaraha France ee Didier Deschamps ayaa kusoo galay shaxdii ugu adkayd, isagoo kaydka u diray Olivier Giroud oo uu khilaaf kala dhexeeyo Kylian Mbappe iyo Karim Benzema oo ay hore warbaahinta iskugu weerareen ka hor intii aan Karim lagu soo celin xulka.

Deschamps ayaa ciyaartan kusoo bilaabay Karim Benzema, Kylian Mbappe iyo Antoine Griezmann oo afka hore ee weerarka ka wada ciyaaraya, waxaana dhexda taagan N’Golo Kante, Paul Pogba iyo Rabiot, halka difaacana ay taagan yihiin Henderndes, Raphael Varane, Kimpembe iyo Pavard iyo goolhaye Hugo Lloris oo shabaqa ilaalinaya.

Xulka qaranka Germany ayaa waxa iyagana ugu soo bilowday Thomas Muller oo dib loogu soo celiyey xulka kaddib markii laga saaray dhamaadka koobkii adduunka ee 2018, Gnabry iyo Kai Havertz oo afka hore wada taagan, waxaana khadka dhexe jooga Ilkay Gundogan, Gosens, Toni Kroos iyo Kimmich.

Tababare Joachim Low ayaa saddex difaac kusoo galay ciyaarta, waana Rudiger, Ginter iyo Hummels, hase yeeshee waxa la shaqaynaya oo marna difaac noqonaya, marna dhexda u guuraya Kimmich.

Shaxaha rasmiga ah ee France vs Portugal

GERMANY XI: Neuer, Rudiger, Ginter, Hummels, Kimmich, Kroos, Gosens, Gundogan, Havertz, Gnabry, Muller.

Kaydka: Leno, Trapp, Halstenberg, Sule, Klostermann, Koch, Gunter, Neuhaus, Can, Volland, Werner, Sane.

FRANCE XI: Lloris, Pavard, Kimpembe, Varane, Hernandez, Pogba, Griezmann, Kante, Rabiot, Mbappe, Benzema.

Kaydka: Mandanda, Maignan, Lenglet, Zouma, Digne, Kounde, Tolisso, Lemar, Giroud, Dembele, Coman, Ben Yedder.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More