Portugal Oo Guushii Ugu Horreysay Ku Furtay Euro Tan iyo 2008, Ronaldo

Xulka qaranka Portugal ayaa guushii ugu horreysay kulanka ugu horreeya ka gaadhay tartanka qaramada Yurub tan iyo sannadkii 2008, kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen Hungry oo ay ku wada jiraan Group F.

Saddexda gool oo ay Portugal heleen lixdii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ayaa waxa laba ka mid ah dhaliyey Cristiano Ronaldo oo kusii dhowaanaya rikoodhka ah inuu noqdo ciyaartoygii ugu goolasha badnaa taariikhda kubadda cagta caalamiga ah, taas oo ay kaliya uga hadhsan yihiin saddex gool.

Daqiiqaddii 84aad ayay Portugal dhaliyeen goolka hore, waxaana u saxeexay Raphael Guerreiro, daqiiqaddii ku xigtayna waxa rikoodhe ku labeeyey Cristiano Ronaldo ka hor intii aanu mar kale CR7 kusoo laabanin gool-dhalinta oo aanu keenin goolka saddexaad waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Xulka qaranka Portugal oo ku jira Group F oo ay ku wehelinayaan Hungry, France iyo Germany ayay guushani u tahay tallaabo weyn oo ay u qaadeen wareegga xiga, maadaama hormadani tahay midda ugu adag ee tartanka Euro.

Shaxdii labada xul

PORTUGAL STARTING XI (4-2-3-1): Rui Patricio; Nelson Semedo, Ruben Dias, Pepe, Raphael Guerreiro; William Carvalho, Danilo Pereira; Bernardo Silva, Bruno Fernandes, Diogo Jota; Cristiano Ronaldo.

Kaydka: Andre Silva, Pote, Renato Sanches, Jose Fonte, Joao Moutinho, Sergio Oliveira, Rafa, Ruben Neves, Nuno Mendes, Rui Silva, Joao Felix, Anthony Lopes.

HUNGARY STARTING XI (3-5-2): Peter Gulacsi; Endre Botka, Willi Orban, Attila Szalai; Gergo Lovrencsics, Laszio Kleinheisler, Adam Nagy, Andras Schafer, Atilla Fiola; Adam Szalai, Roland Sallai.

Kaydka: Denes Dibusz, Szabolcs Schon, Loic Nego, Nemanja Nikolic, Kevin Varga, David Siger, Bendeguz Bolla, Tamas Cseri, Akos Kecskes, Adam Lang, Roland Varga, Adam Bogdan.

Portugal oo ku guul-darraystay inay badiyaan shantii ciyaarood ee ugu horreeyey ee Koobka Adduunka iyo Euro oo ay saddex barbarreeyeen labana laga badiyey ayaa waxay doonayeen inay soo afjaraan taariikhdaas oo ay guul ku bilowdaan. Kulankooda ugu horreeya ee tartan weyn (Euro iyo Koob Adduun) oo ay badiyaan, waxa guu dabaysay Portugal sannadkii Euro 2008 oo ay 2-0 kaga badiyeen Turkey.

Daqiiqaddii shanaad ee ciyaarta ayuu xulka qaranka Portugal ee difaacanaya koobkan oo sannadkii 2016 ay ku guuleysteen uu weerar ku ekeeyey goolka Hungry. Diogo Jota ayaa xerada ganaaxa la galay kubbad uu kaga xeelad roonaaday Attila Szalai, waxaana uu ku toogtay goolka, hase yeeshee goolhaye Peter Gulacsi ayaa iska soo celiyey. Haddii uu kubaddaas u dhiibi lahaa Ronaldo oo waxyar u jira, waxa suurtogal ahaan lahayd inuu dhaliyo.

Pepe iyo Bernardo Silva ayaa laba fursadood oo wanaagsanaa helay qaybta hore ka hor intii aanu Diogo Jota khasaarinin kubbad halis ahayd dhamaadka qaybta hore.

Hungry ayaa iyaguna fursad cajiib ahaa iska lumiyey qaybta hore, iyadoo kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Schafer, waxaana helay Adam Szalai oo sii raaciyey, balse goolhaye Patricio ayaa si raaxo leh u qabsaday kubadda.

Portugal ayaa wadnuhu istaagi gaadhay naxdin darteed dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsanayd toban daqiiqadood oo kaliya, markaas oo uu Schon gool u dhaliyey Hungry, laakiin calanka ayaa taagnaa markii uu dabbaal-degga bilabaayay, waxaana loo sheegay inuu offside kusii jiray ka hor intii aan kubadda loosoo dhiibin.

GOOOAAAALLLL!! Portugal 1-0 Hungry!! Xulka qaranka Portugal ayaa daqiiqaddii 84aad hoggaanka u qabtay ciyaarta, waxaana kubbad uu lugta bidix si diciif ah ugu laaday Guerreiro oo xerada ganaaxa ku jira ay kusii dhacday difaaca Hungry, waxaanay si toos ah u gashay goolka iyadoo halkaasna ay Portugal ka bilaabeen dabbaal-degga goolkan oo si nasiib ah ku yimid marka laga eego qaabka uu ku dhashay.

GOOOAAALLLLA!!! RONALDO!!!!! Portugal ayaa daqiiqaddii 85aad hoggaanka ugu sii dheereeyey waddankiisa Portugal kubbad rikoodhe ahayd oo loo dhigay, kaddib markii uu Orban qalad ku galay Fernandes, waxaana rikoodhe loo dhigay gool u beddelay Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa gool saddexaad u dhaliyey xulkiisa Portugal daqiiqaddii 92aad ee waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Portugal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More