Ma Rumaysan Kartid! Maanta Oo Kaliya $4 Bilyan Oo Dollar Ayay

Shirkadda sharaabka ee Coca Cola ayaa khasaare weyni kasoo gaadhay ficil uu xalay fiidkii sameeyey xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaas oo iska hor qaaday laba quraaradood/dhalo oo saarnaa miis loogu talo-galay inuu saxaafadda  kula hadlo.

Laacibkan ayaa si cadho ku jirto iskaga hor-qaaday sharaabka Kookaha, waxaana uu sare u qaaday caagad biyo ah oo hortiisa taallay oo uu amaanay, isagoo yidhi: “Biyaha cabba!”.

Coca Cola ayaa ku jirta shirkadaha xayaysiiska ku leh tartanka qaramada Yurub ee EURO 2020, waxaana lasoo hor-dhigaa miiska ciyaartoyda iyo tababareyaashu kula hadlayaan warbaahinta caago dhalooyin Coke ah, laakiin Ronaldo ayaa khilaafay taas oo iska hor qaaday.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, ficilka uu sameeyey Cristiano Ronaldo ayaa saamayn weyn ku yeeshay iibsiga sharaabka Coke ee suuqyada dunida maanta oo Salaasa ahayd, waxaana hoos u dhacay qiimaha ay shirkaddani ka taagan tahay suuqyada saamiyada, iyadoo halkii share lagu kala iibsanayey maanta $55.2 dollar, halkii uu maalintii ka horreysay ahaa $56.1.

Maanta oo kaliya, waxa shirkadda soo gaadhay khasaare gaadhaya $4 bilyan oo dolla oo ah qiimo-dhaca ku yimid saamiyadeeda suuqyada, waxaana khasaaraha intan le’eg sabab ugu ahaa Cristiano Ronaldo.

Shirkadda Coca Cola ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayso dacwad ay ka gudbiso Cristiano Ronaldo iyo xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee heshiiska kula jiray xayaysiinta sharaabkan, balse taas beddelkeeda sumcad xumo iyo khasaarre weyn ay kasoo gaadhay.

UEFA ayaa sidoo kale la sheegayaa inay tallaabo ka qaadi doonto Cristiano Ronaldo, lamana oga in loo qabsan doono inuu bixiyo khasaaraha soo gaadhay shirkaddan oo ah lacag aanu isaguba haysanin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More