Paul Merson Oo Soo Xushay Shaxda Abid Ugu Fiican Xulka England, David

Taageeraha caanka ah ee kooxda Arsenal ahna suxufiga ree England ee Piers Morgan ayaa soo doortay shaxda abid ugu fiican xulka qaranka England isaga oo boos u waayay ciyaaryahano waaweyn oo halyeeyo looga tix geliyo dalkaas.

Shaxda uu doortay Morgan ayay kasoo muuqdeen ciyaaryahano laga xusi karo Paul Gascoigne, Gary Lineker iyo Sir Bobby Charlton halka ay boos ka waayeen ciyaaryahano laga sheegi karo David Beckham iyo Steven Gerrard.

Piers Morgan oo bartiisa Twitter-ka ku doortay shaxdaas kahor kulankii England vs Croatia ayaa xulashadiisa ku daray dhammaan khubaradii kulankaas ka tabinaysay BBC Sports ee Frank Lampard, Lineker, Rio Ferdinand iyo Alan Shearer.

Sidoo kale Morgan ayaa booska goolhayaha u doortay goolhaye Gordon Banks oo xulka u qaaday koobkii aduunka ee 1966 isaga oo kasoo horreysiiyay Shilton, Seaman iyo Clemence.

Afarta daafac ee xulashada Piers ayaa kala ah Gary Neville, Rio Ferdinand, Moore iyo Ashley Cole halka uu saddexleyda khadka dhexe ka dhigtay Gascoigne, Frank Lampard iyo Paul Scholes.

Saddexda weeraryahan ee Morgan ayaa kala ah Charlton oo udub dhaxaad u ahaa xulkii koobka aduunka hantay, Lineker iyo Shearer.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More