I Fasaxa!! Xiddig Muhiim U Ah Man City Oo Bixitaan Doonaya 12 Bilood

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Bernardo Silva ayaa lagu soo warramayaa inuu dalbanayo in kooxda laga fasaxo walow uu xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2020-21 qaab fiican kusoo dhammaystay.

26 sano jirkaas ayaa shan gool iyo sagaal caawimo kasoo sameeyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii dhammaaday isaga oo kasoo caawiyay kooxdiisa ku guuleysiga horyaalka.

Warbixintan ayaa sheegaysa in Bernardo uu ka cadhooday inuu bur-buray heshiis uu ugu biirayay Barcelona xagaagii sanadkii hore walow uu heshiiskaasu u muuqday mid waxkasta loo dhammeeyay.

Rabitaanka bixitaan ee xiddiga Portuguese-ka ah ayaa ka cadhaysiin kara tababare Pep Guardiola uu doonaya inuu safka kooxdiisa ee 2021-22 kusii haysto.

Tababare Guardiola ayaa ahaa mid aad ula dhacsan qaab ciyaareedkii Silva ee xilli ciyaareedkii dhammaaday inkasta oo ay jireen warar xusaya inuu bixitaan rabay.

Kooxda ree Spain ee Atletico Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa saxeexa Silva oo heshiiskiisa kooxda ay afar sano oo kale ka hadheen kaddib markii uu heshiis kordhin sameeyay sanadkii 2019. Warka ayaa ah in heshiis xiddigo is-dhaafsi uu Saul Niguez dhinaca City ku tagi karo.

Silva ayaa heshiis 43 Milyan oo pound ah City ugaga soo biiray dhinaca AS Monaco sanadkii 2017 isaga oo 35 gool ugu soo dhaliyay 201 kulan isla markaana kula soo guuleystay saddex Premier League.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More