Chelsea Oo Saxeexa Grealish Ku Garaacday City & United, Sancho Oo War

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo 36 jir ah ayaa mar kale iska diiday inuu meesha ka saaro, in uu ka tegayo Juventus ka hor inta aanu dhamaanin qandaraaskiisu sannadka dambe. Laacibkan ayaa  lala xidhiidhinayaa kooxdiisii hore ee Manchester United, balse Juve ayaa kaliya ku fasaxaysa in la iibsado. (Express)

Raheem Sterling oo 36 jir ah ayaa wada-hadallo la yeelanaya Manchester City marka uu dhamaado tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, waxaanay ka xaajoonayaan mustaqbalkiisa kooxda. (Telegraph)

Garabka weerarka England ee Jadon Sancho ayaa rajaynaya inuu noqdo ciyaartoy Manchester United ah, inkasta oo Borussia Dortmund ay diiday dalab £67 milyan oo Gini ah oo ay United ka gudbisay. Kooxda  reer Germany ayaa dalbanaysa £77 milyan oo Gini oo lagu daray lacago kale oo dheeraad ah oo bandhiggiisa ku xidhan. (MEN)

Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay saxeexa kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish, waxaanay ka hormartay Man United iyo Man City oo doonayay 25 jirkan reer England. (Fichajes)

Manchester United waxay ka mid tahay kooxo dhawr ah oo xiisaynaya goolhayaha Paris Saint-Germain ee Keylor Navas oo 34 jir ah. (Marca)

Granti Xhaka ayaa rajaynaya inuu u wareego Roma oo uu ka hoos ciyaaro Jose Mourinho, laakiin xaaladda ayaa cakiran kaddib markii ay istaageen wada-hadalladii u dhexeeyey labada kooxoo. (Corriere dello Sport)

Xiddiga Juventus iyo xulka qaranka Wales ee Aaron Ramsey ayaa u muuqda inuu kusoo jeedo horyaalka Premier League oo uu kusoo laabanayo. 30 jirkan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Crystal Palace, West Ham iyo Everton. Sidoo kale Arsenal ayaa ku jirta  kooxaha danaynaya. (Calciomercato)

Liverpool waxay doonaysaa Pascal Gross oo u ciyaara xulka qaranka Germany iyo Brighton. 30 jirkan ayaa kusoo baxay liiska xiddigaha uu doonayo Jurgen Klopp (Tuttomercato)

Difaaca Real Madrid ee Raphael Varane ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxdiisa, waxaana uu midkood ku biiri doonaa Manchester United iyo PSG. 28 jirkan ayaa u janjeedha dhinaca PSG oo la diyaar ah lacag gaadhaysa 60 milyan oo Euro oo ay Real Madrid kaga iibsanayso. (El Confidencial)

Leicester City ayaa toddobaadkan dhamaystiraysa saxeexa xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Boubakary Soumane. 22 jirkan oo ka tirsan kooxda dhowaanta ku guuleysatay horyaalka Ligue 1 ee Lille ayaa waxa kale oo doonaya Wolves iyo Everton. (Mail)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More