Halkee Ayaad Jeceshahay Inaad Dalxiis U Tagto Fasaxaaga? N’Golo Kante

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Faransiiska ee N’Golo Kante ayaa bixiyey jawaab layaableh mar la weydiiyey halka uu jecel yahay inuu dalxiis u tago waqtiga uu fasaxa ka yahay ciyaaraha kubadda cagta.

30 jirkan oo warbaahinta aad ugu badan dhowaanahan kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee uu ka sameeyey tartanka Champions League ee uu kooxdiisa ugu qaaday koobka iyo Faransiiska oo uu hadda kala-qayb gelayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, ayaa si joogto ah looga soo tabinayaa qisooyin cajiib ah.

Laacibkan oo hab-dhaqankiisa suubban uu yahay midka soo jiidashada leh, isla markaana dabeecaddiisa wanaagsan ay tahay xariir kale oo sii qurxisay xirfaddiisa ciyaareed ee iyaduna taagan heer loo saadaalinayo xiddiga ku guuleysanaya abaal-marinta Ballon d’Or sannadkan, ayaa waxa aan ka ag-fogaanin wariyeyaasha oo isku daya inay qisooyin cusub ka keenaan.

N’Golo Kante ayaa qayb ka noqday bandhigga xayaysiiska shirkadda ay Chelsea ku xayaysiinayso dharkeeda ee Trivago oo shafka kaga qornaanaysa garamada ay kooxdu ku ciyaarayso.

Trivago ayaa weydiisay N’Golo Kante halka uu jecel yahay inuu tago fasaxiisa xagaaga ee labada bilood ee ay ciyaaruhu fasaxa yihiin, waxaana cajiib noqotay jawaabta uu bixiyey oo hadal-hayn badan reebtay.

Ciyaaryahanadda waaweyn ee kubadda cagta ayaa xilliyada fasaxa waxay u dalxiis tagaan jasiiradaha quruxda badan ee dunida iyo magaalooyin kale oo ay kusoo qaataan waqtigaas iyagoo qoysaskooduna wehelinayaan. Meelaha inta badan ciyaartoydu tagaan waxa ka mid ah Dubai, Maraykanka, Spain iyo meelo kale.

Laakiin N’Golo Kante oo ciyaartoy Muslim ah laguma arko goobahaas waxaana uu yahay mid waqtiyada fasaxa ku eg gurigiisa.

N’Golo Kante on what he likes to do on his summer break away from football:

“Sometimes I just stay at home only, and I’m happy.”

[via @trivago]

— Absolute Chelsea (@AbsoluteChelsea) June 14, 2021

Isagoo ka jawaabayay su’aasha Trivago ayaa waxa uu yidhi: “Mararka qaarkood, guriga oo kaliya ayaan joogaa, waanan ku faraxsanahay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More