Waa Kuwan SHANTA Daafac Dhexe Ee Ay Barcelona Doonayso Inay Mid Ahaan

Madaxweyne Joan Laporta iyo guud ahaan maamulka Barcelona ayaa ahaa kuwo ilaa hadda aad ugu mashquulsan suuqa xagaaga, Sergio Aguero, Eric Garcia iyo Emerson Royal ayay durba la wareegeen.

Sida uu hadda sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, diirada Laporta ayaa markale qabsatay saxeexa daafac dhexe walow ay Garcia oo daafac dhexe ah la wareegeen dhawaan.

Barcelona ayaa doonaysa saxeexa daafac dhexe maadaama oo ay u badantahay in Samuel Umtiti uu kooxda ka tagayo, ciyaaryahanka ku haboon ayaa noqon kara mid qiime ahaan macquul ah maadaama oo ay xaalad dhaqaale oo kakan ku jiraan.

Xiddigaha lagu xusay liiska daafacyada dhexe ee Barcelona ay doonayso ayaa ah Alessio Romagnoli oo ah kabtanka AC Milan iyo Lisandro Martinez oo qayb ka ah kooxda Ajax.

Xiddigaha kale ee liiska ku jira oo ah kuwo lacag ka badan mida Martinez iyo Romagnoli ay ku baxayaan ayaa kala ah Caglar Soyuncu oo Leicester ka tirsan, Aymeric Laporte oo Man City ah iyo Matthijs De Ligt oo Juventus ah.

Dhawaan ayay soo baxeen warar sheegaya in Sergi Roberto uu tagayo Man City isla markaana uu Miralem Pjanic ku laaban karo Juventus sidaas darteed waxa macquul ah in heshiisyo ciyaaryahano is-dhaafsi ay yimaadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More