XOG: Yaa iska leh lacagtii shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde?

Muqdisho (Axadle) – Macluumaad dheeri ah ayaa laga heli karaa doolarkii shalay ciidamada amniga ay ku qabteen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo laga keenay Kenya.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya in lacagta ay laheyd haweeney ganacsato ah oo lagu magacaabo Sabiriin Cabdulqaadir Isaaq sida ay sheegeen qaar kamid ah eheladeeda.

Sabiriin ayaa la sheegay inay dahabka kaga ganacsatay dalka Kenya waxaana qabtay oo wareejiyay nin ay wakiil ka ahayd.

Xogta ayaa sheegeysa in Saabiriin Cabdulqaadir Isaaq uu qadka taleefanka kula hadlay ciidamada amaanka wuxuuna yimid garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Waxay sidoo kale sheegatay in lacagta la qabtay ay gaareyso illaa hal milyan oo doolar, booliska Soomaaliya-na ma uusan shaacin cadadka shalay

Arrintan ayaa timid markii sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu shalay shaaciyey in lacag sharci darro ah oo laga keenay Kenya lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More