Waa Kuma Xiddiga Ugu Fiican Abid Kubadda Cagtu? –

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ka hadlay su’aasha ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan abid kubadda cagta isaga oo diiday inuu shaqsi gaar ah u doorto darajadaas xilli inta ugu badan loo kala doorto xiddigaha jiilka maanta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

- Advertisement -

Lewandowski qudhiisa ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida kubadda cagta kaddib markii uu lixleey koobab ah kula soo guuleystay Bavaria isla markaana uu kusoo wada guuleystay abaalmarinaha Fifa The Best iyo xiddiga Yurub.

Lewandowski oo u warramay wargeyska Bild gaar ahaan halyeeyga Bayern iyo xulka Germany ee Lothar Matthaus ayaa aaminsan inuusan jirin qof kaligii la odhan karo midka ugu fiican kubadda cagta balse uu ciyaaryahan kastaaba wakhti haysto jagada ugu sarreysa.

Lewy oo su’aasha xiddiga ugu fiican abid kubadda cagta uga jawaabayay Lothar Matthaus ayaa yidhi “Ma jiro ciyaaryahan kaliya oo gaar loo dooran karaa,ciyaartoyda ayaa qaabeeya wakhtiga, adiga (Lothar Matthaus) ayaa mar ahaa”

“10-kii ilaa 15-kii sano ee ugu dambeeyay, Ronaldo, Messi, Ronaldinho intaas kahorna weeraryahankii ree Brazil ee Ronaldo, waxa markasta jira hibooyin qayrul caadi ah, shaqsiyaad si sahlan madadaalo ku keena kubadda cagta, xiddigaha dunidu waxay ka dhigaan waxyaabaha adag kuwo u muuqda kuwo sahlan”

Mar la weydiiyay xiddiga uu ku dayan jiray carruurnnimadiisii ayuu Robert ku jawaabay “Si fiican ayaan u xasuustaa markii aan lix sano jir ahaa kaliya hal ciyaaryahan oo aan ku daydo ayaa jiray: Roberto Baggio”

“Alessandro Del Piero ayaa kaddib noqday midka aan ku daydo, waan la dhacay isaga, si kastaba anigu si sax ah uma xukumi karayn calaamadaha hab ciyaareedkiisa, aad ayaan uga yaraa midaas, kaddib waxa uu noqday halyeeyga Arsenal ee Theirry Henry”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More