Pirlo, Redondo, Maradona, Pele iyo xiddigaha

Kooxda riyada riyada abaalmarinta Ballon d’Or ayaa la shaaciyay waxaana hogaaminaya halyeeyo caan ka ah aduunka kuwaa oo qaarkood si shaqsiyan ah ugu guuleystay Ballon d’Or intii ay ciyaarayeen.

Xiddigaha kooxda Barcelona Xavi Hernandez iyo Diego Maradona ayaa hogaaminaya liiskan iyaga oo helay codadkii ugu fiicnaa boosaskoodii.

Xavi oo u soo ciyaaray Barcelona intii u dhaxeysay 1998-2005 una saftay 767 kulan Spain, ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican 133 kulan oo uu u ciyaaray Spain.

Wuxuu ku guuleystay sideed horyaal oo La Liga ah, seddex Copa del Rey iyo afar Champions League, taasoo wadarta guud ka dhigeysa 25 jeer.

Halyeeyga reer Argentina Diego Maradona oo dhawaan dhintay ayaa sidoo kale ka mid noqday weeraryahanada ugu fiican adduunka, waxaana sharaftiisu timid xilli murugada geeridiisa aan weli la dhaqin.

60 jirkaan hore ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd taariikhda kubada cagta, iyadoo dooda u dhaxeysa isaga iyo Pele ay ku jirto liiska.

Halkan waxaa ah liis kooban oo ah kooxaha riyada Ballon d’Or:

Safka dambe: Bozsik, Busquets, Didi, Falcao, Gerrard, Gerson, Guardiola, Masopust, Matthaus, Neskens, Pirlo, Redondo, Rijkaard, Schuster, Seedorf, Luis Suárez, Tardelli, Tigana, Xabi Alonso iyo Xavi.

Weerarka: Baggio, Charlton, Di Stéfano, Francescoli, Gullit, Hagi, Iniesta, Kopa, Kubala, Maradona, Mazzola, Pelé, Platini, Puskas, Rivera, Schiaffino, Socrates, Totti, Zico iyo Zidane.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More