Liiska Dhameystiran Ee Kooxaha U Soo Baxay Wareega 16ka

Waxaa caawa la soo gabagabeeyay wareega 16ka Champions League iyadoo la dhameystiray liiska 16ka kooxood ee ka qeyb qaadanaya wareega xiga ee tartanka ugu xiisaha badan kooxaha Yurub.

Real Madrid, Atletico Madrid, Atalanta iyo Borussia Monchengladbach ayaa noqday kooxihii ugu danbeeyay ee dhameystira 16ka kooxood ee wareega group-yada Champions League ka soo gudbay.

Dalalka Spain iyo Jarmalka ayaa min afar koox ku leh wareega 16ka Champions League, Spain waxaa u soo gudbay Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid iyo Sevilla.

Jarmalka waxaa u soo gudbay kooxda difaacaneysa koobka ee Bayern Munich, Borussia Dortmund, RB Liepzig iyo Borussia Monchengladbach.

Ingariiska waxaa u soo baxay kaliya seddex kooxood iyadoo Liverpool, Man City iyo Chelsea ay dhamaantood kaalinta koowaad ku soo gudbeen halka Man United ay u dhacday Europa League.

Talyaaniga waxaa iyagana u soo baxay seddex kooxood oo kala ah Juventus, Atalanta iyo Lazio iyadoo Inter Milan ay ku hartay Group B.

Group A: Bayern München Atletico Madrid

Group B: Real Madrid, Borussia Monchengladbach

Group C: Manchester City, Porto

Group D: Liverpool, Atalanta

Group E: Chelsea, Sevilla

Group F: Borussia Dortmund, Lazio

Group G: Juventus, Barcelona

Group H: Paris, Leipzig

Isku aadka wareega 16ka waxaa la qabanayaa maalinta Isniinta ee 14ka bishaan December, waxaa lagu qabanayaa magaalada Nyon ee xarunta UEFA ee dalka Switzerland.

Kulamada wareega 16ka waxaa la dheeli doonaa 16ka iyo 17ka Febraayo halka lugta labaad la dheeli doono 9ka iyo 10ka bisha March ee 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More