Waa Maxay Sababta Manchester United Ay U Hadhayso Haddii PSG

Manchester United ayaa Salaasadii xalay waxay keentay natiijo musiibo ku noqotay hammigii jamaahiirteeda iyo ciyaartoydaba, waxaana 3-2 ku garaacday RB Leipzig oo ay ugu tageen waddanka Germany.

Red Devils ayaa hoggaanka u haysay Group-kan, balse waxay guul-darrooyin usoo hoydeen labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay PSG iyo RB Leipzig ku garaaceen.

Arrinta aan la malaysan karayn ayaa waxay ahayd in United ay labadan kooxoodba kasoo badisay kulamadii hore, gaar ahaan RB Leipzig oo ay shan gool iyo waxba usoo dhiibtay iyo PSG oo ay laba gool kaga soo dhalisay magaalada Paris.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayay kooxdiisu u baahnayd dhibic kaliya si ay ugu gudubto wareegga 16ka, balse taasi uma suurtogelin, waxaanay sannadkii labaad oo xidhiidh ah ka ciyaari doontaa Europa League oo kulamada ugu horreeya ay isku diyaarin doonto sannadka cusub.

Markii ay United lix dhibcood ka heshay labadii ciyaarood ee ugu horreeyey Group-keeda ee ay PSG iyo RB Leipzig kasoo badisay, isla markaana ay hoggaanka u haysay hormadan xilli kooxaha kale kuwooda ugu sarreeya ay saddex dhibcood oo kaliya lahaayeen.

Mar haddii ay sagaal dhibcood leedahay Manchester United, ayna isku mid yihiin PSG oo ay waliba kaga horreyso farqiga goolasha, sidee ayay ku dhici doontaa in Red Devils ay ka hadho tartanka haddii laga badiyo PSG kulanka Istanbul Basaksehir?

Su’aashan ayay taageereyaal badan is weydiinayeen, laakiin waxa lagu kala saarayaa kulamadii ay PSG iyo Manchester United ku kala ciyaareen Old Trafford iyo Parc des Prince, waxaana la eegayaa farqiga goolashii ay iyagu ku kala adkaadeen.

Ciyaartii hore Manchester United ayaa iyadoo Paris joogta waxay kusoo badisay 2-1, laakiin kulankii Old Trafford ee toddobaad ka hor ayay PSG ku badisay 3-1, taasina waxay ka dhigan tahay in 3-4 ay PSG ku badisay isku-darka labadooda kulan.

Halka gool ee ay PSG dheer tahay ayaa noqonaya midka kooxda reer France awoodda u siinaya inay u gudubto wareegga 16ka xataa haddii laga badiyo ciyaarteeda caawa ay Istanbul Basaksehir la ciyaarayso kaddib markii xalay la baajiyey ciyaartaas.

Manchester United ayaa ka mid noqon doonta kooxaha loo samayn doono qori-tuurka wareegga 32-ka tartanka Europa League, waxaanay noqon doontaa mid lagu daba-fayli doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More