Manchester United Oo Laga Reebay Champions League, PSG & RB

Manchester United ayaa ka hadhay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, kaddib markii ay kooxda reer Germany ee RB Leipzig ay kaga badisay 3-2.

Manchester United ayaa lagala hormaray saddex gool oo daran-doorri ah, waxaase ay dagaallantay tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey oo ay Bruno Fernandes iyo Paul Pogba u dhaliyeen laba gool oo aan waxba tarin, balse laba daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen.

RB Liepzing ayaa daqiiqaddii 2aad ee ciyaarta dhashatay goolka koowaad, waxaana u saxeexay Angelino oo kubbad loo soo tuuray ka hoos saaray David De Gea.

Haidara oo garab ka helayay Angelino ayaa saxeexay goolka labaad ee RB Liepzig, mid saddexaadna waxa ku daray Justin Kluivert oo beddel kusoo galay.

Daqiiqaddii 80aad ayuu Bruno Fernandes gool u dhaliyey Manchester United, waxaana laba daqiiqadood kaddib gool kale raaciyey Paul Pogba.

RB Leipzig iyo PSG ayaa kasoo baxay Group H, iyadoo waliba ay kooxda reer France ee Paris ciyaarteeda lagu hakiyey waqtigii nasashada kaddib cunsurnimo uu garsooraha afraad ee ciyaartu kula kacay tababare ku-xigeenka kooxda Istanbul Basaksehir, taas oo keentay inay ciyaartoydu garoonka ka dareeraan.

Manchester United ayaa waxay ka ciyaari doontaa tartanka Europa League xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah iyadoo xili ciyaareedkii horena semi-finalka timid oo ay Sevilla ku garaacday.

Kaydka

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire (c), Luke Shaw; Scott McTominay, Nemanja Matic; Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Alex Telles; Marcus Rashford.

MANCHESTER UNITED SUBS: Dean Henderson, Axel Tuanzebe, Lee Grant, Eric Bailly, Paul Pogba, Donny van de Beek, Timothy Fosu-Mensah, Juan Mata, Jesse Lingard, Daniel James, Brandon Williams, Odion Ighalo.

RB LEIPZIG (4-3-2-1): Peter Gulacsi; Nordi Mukiele, Ibrahima Konate, Willi Orban, Angelino; Marcel Sabitzer (c), Amadou Haidara, Kevin Kampl; Christopher Nkunku, Emil Forsberg; Dani Olmo.

RB LEIPZIG SUBS: Joscha Wosz, Alexander Sorloth, Philipp Tschauner, Marcel Halstenberg, Yussuf Poulsen, Tyler Adams, Justin Kluivert, Josep Martinez, Eric Martel.

Daqiiqaddii labaad ee ciyaarta ayaa Manchester United oo aan wali kululaanin waxay aragtay goolkeeda oo ay dhex taallo kubbad uu ku hubsaday Angeliño oo kubbad uu u dhiibay Sabitzer isaga oo aan qabanin laag awood badan oo dhulka socday ka hoos bixiyey David de Gea.

Laacibkan Manchester City amaahda kaga maqan ayaa naxdin ku riday Manchester United, iyadoo uu xili ciyaareedkan iyo fasal ciyaareedkii horeba muujiyey in tababare Pep Guardiola uu ku qaldanaa inay amaah ku bixiyaan.

Daqiiqadii sagaalaad ayay Manchester United heshay fursad weyn, markaas oo uu Matic kubadda u dhiibay Fernandes oo haystay fursad uu hore ugu socdo. Greenwood iyo Rashford ayaa hortiisa cararayay laakiin Fernandes ayaa doortay inuu goolka toogto, balse umay suurtogelin inuu shabaqa soo taabto.

GOOAAAALLLL! 2-0 LEIPZIG! Kooxda reer Germany ayaa ka faa’iidaynaysa fursadaha ay hesho, waxaana daqiiqaddii 13aad ay mar kale heleen goolkooda labaad.

Angelino ayaa mar kale orod xawaarihiisu dheeraynayo ka sameeyey dhinaca bidix ee ay sida tooska ah iskaga hor imanayeen Wan-Bissaka, waxaana kubbada uu usoo jabiyey Haidara oo isagoon wax dayacaad ah samaynin goolka labaad u saxeexay kooxdiisa.

Angelino ayaa muujiyey inuu yahay xiddiga garoonka bilowgiiba, waxaana uu ku dhowaaday inuu natiijada ciyaarta ka dhigo 3-0 kaddib markii uu kubbad uu maamulay la galay xerada ganaaxa, kuna dhowaaday inuu shabaqa taabsiiyo iyadoo waxyar birta u jirsatay.

Forsberg iyo Sabitzer ayaa kubbado ay isku dhiibeen waxay halis ku geliyeen goolka Manchester United oo u muuqatay in ay la gagabsan tahay labada gool ee degdegga ah ee laga dhaliyey, waxaase markan la baxsaday Luke Shaw.

RB Leipzig ayaa la timid gool kale oo saddexaad oo uu madax ku qabtay Konate laakiin waxa kubadda sii taabtay Orban, balse VAR oo laga soo hubiyey inay xaqiiqo tahay doodda ah inuu difaaca RB Leipzig ku jiray offside, waxaana caddaatay inuu ka dambeeyey ciyaartoyda kale, sidaana waxa lagu masaxay goolkaas.

Fursaddii ugu weyynayd ayay Manchester United heshay kaddib markii uu Orban khalkhalay, waxaana fursad uu goolka ku toogto helay Greenwood. Natiijada ayaa noqotay in kubaddu ay u baxdo koorne uu madax ku qabtay Maguire bale garsooraha ayaa qabtay qalad uu xerada ganaaxa ka sameeyey McTominay.

Qaybtii labaad ayaa laag xor ah oo loo dhigay Manchester United waxa goolka ku toogtay Bruno Fernandes, waxaana fursad u helay Maguire oo ay xoogaa ka dheeraatay.

Gooooaaaaallll RB Leipzig 3-0 Manchester United!! Justin Kluivert oo ah wiilka uu dhaliyey weeraryahankii reer Netherlands ee Patrick Kluivert ayaa qalbi-jabiyey Manchester United, isla markaana goolka saddexaad u dhaliyey kooxdiisa RB Leipzig.

Manchester United ayay intaa kaddib ku adkaatay xaaladdu, waxaanay noqdeen kuwo ay ka luntay sirtii dhalinta goolka oo weerarkoodu aanay waxba tari karaynin.

RIKOOOOODHEEEEEEEE: Manchester United ayaa loo dhigay rikoodhe daqiiqaddii 80aad ee ciyaarta kaddib markii uu Konate qalad ku galay Mason Greenwood, waxaana kubadda soo qaatay Bruno Fernandes.

GOOOOOOAAAAAAALLLL RB Leipzig 3-1 United!! Bruno Fernandes ayaa gool u dhaliyey Manchester United, waxaanu dib usoo nooleeyey niyaddii kooxda oo dedaal iyo deg-degsiimo kale bilowday.

GOOOOOOAAAAAAALLLL RB Leipzig 3-2 United!! Manchester United ayaa daqiiqaddii 82aad ciyaarta ka dhigtay 3-2, waxaana kubbad ka timid Bruno Fernandes goolka ku leexiyey Paul Pogba.

Daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ayay Manchester United ku dhowaatay inay goolka barbarraha hesho iyadoo ay difaaca RB Leipzig khalkhaleen, kuna dhowaaday inuu gool iska dhaliyo.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday RB Leipizig.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More