Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona vs Juventus – Messi & Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa kusoo bilowday ciyaarta ay kooxdiisu ku waajahayso Barcelona, waxaanay si fool ka fool ah iskaga hor imanayaan Lionel Messi oo kusii sugayay garoonka Camp Nou.

Labadan xiddig oo ay u tahay markii ugu horreysay ee ay iska hor yimaaddaan tan iyo markii uu Ronaldo ka tegay Real Madrid ee uu u wareegay Juventus, ayaa waxa ay tababareyaasha labada kooxood kusoo wada bilaabeen safka hore.

Kabtan Lionel Messi ayaa waxa uu afka hore ee kooxdiisa Barcelona kula soo bilowday Pedri iyo Griezmann, laakiin waxa khadka dhexe taagan oo kooxdiisa hore waajahaya Pjanic oo cabasho ka muujiyey waqtiga yar ee fursadaha loo siiyo.

Frenki de Jong iyo Trincao ayaa iyaguna u babbac-dhigi doona xiddigaha Juventus, iyadoo uu kaydka ku wada jiraan Philippe Coutinho, Sergio Busquets, Braithwatie, Ricard Puig iyo Samuel Umtiti oo kasoo laabtay dhaawac.

Dhinaca Juventus, waxa ugu soo bilowday goolhaye Buffon oo ay hortiisa taagan yihiin Bonucci iyo De Ligt, waxaana isaguna kooxdiisii hore ka hor tegaya Arthur Melo.

Afka hore ayay joogaan Cristiano Ronaldo iyo Alvaro Moratta.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Barcelona: Ter Stegen; Dest, Lenglet, Araujo, Jordi Alba; De Jong, Pjanic; Trincao, Griezmann, Pedri; Messi

Kaydka: Neto, Inaki Pena, Busquets, Alena, Braithwaite, Ricard Puig, Coutinho, Matheus Fernandes, Umtiti, Junior Firpo, Mingueza, De La Fuente

Juventus: Buffon; Danilo, Bonucci, De Ligt, Alex Sandro; Cuadrado, Arthur, McKennie, Ramsey; Morata, Cristiano Ronaldo

Kaydka: Szczesny, Pinsoglio, Dybala, Chiesa, Rabiot, Bentancur, Bernardeschi, Da Graca, Dragusin, Frabotta, Portanova, Kulusevski

Garsooraha: Stieler (GER)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More