Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka RB Leipzig vs Manchester United

Manchester United ayaa kusoo gashay shax adag kulanka guul ama geeri ee ay ugu sugan tahay waddanka Jarmalka oo ay ugu tagtay RB Leipzig.

Manchester United ayaa u baahan inay guul ka keento ciyaartan ay martida tahay si ay ugu gudbi karto wareegga 16ka, laakiin haddii laga badiyo, waxay gebi ahaanba macasalaamayn doontaa tartanka Champions League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaan shaxdiisa koowaad keenin laacibka reer France ee Paul Pogba oo bandhig fiican sameeyey ciyaartii West Ham, balse waxa safka hore kusoo laabtay Luke Shaw oo kasoo kacay dhaawac, iyadoo ay afka horena wadaagayaan Mason Greenwood iyo Marcus Rashford.

Khadka dhexe ayuu awoodda saaray Solskjaer, waxaanu wada keenay Bruno Fernandes, Scott McTominay iyo Matic, balse Alex Telles oo difaaca bidix ahaa ayaa la siiyey garab weerar illaa dhexda ah.

Shaxda Rasmiga ah ee labada kooxood

United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Maguire, Lindelof, Shaw, Telles, Matic, McTominay, Fernandes, Greenwood, Rashford.

Kaydka: Henderson, Grant, Bailly, Fosu-Mensah, Tuanzebe, Williams, James, Lingard, Mata, Pogba, van de Beek, Ighalo.

RB Leipzig XI: Gulácsi; Mukiele, Orban, Konaté, Angeliño; Haidara, Kampl, Sabitzer; Nkunku, Dani Olmo; Forsberg

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More