Guushii Manchester United Ay Ka Gaartey West Ham Waxay Isku

Xiddiga reer France eer Paul Pogba oo bilihii ugu dambeeyey ku dhibaatoonayay Old Trafford oo uu marna dhaawac kaga maqnaa marna uu canaanta ciyaar-xumadiisa ka maqlayay warbaahinta oo xataa kaydka loo geliyey ayaa safka kooxdiisa kusoo laabtay Sabtidii, waxaanu ciyaar qurux badan ka dhigay kulankii West Ham ay guusha soo laabashada ah ka gaadheen.

Manchester United oo gool lagala hor-maray ayuu Pogba u dhaliyey goolka barbarraha ka hor intii aanay Mason Greenwood iyo Marcus Rashford guusha ugu go’aaminin kooxdooda si xarrago leh.

Pogba oo mustaqbalkiisa Manchester United aanu sugnayn, isla markaana ay Red Devils dhowaan cusboonaysiiyey sannad kale oo doorasho ahaa oo qandaraaska laacibkan iyada gacanta u gelinayay ayaa waxay hadal hayni ka taagan tahay haddii uu xagaaga go’aamin doono inuu qandaraaskiisa si dhab ah ugu kordhiyo iyo haddii ay kooxdu ka fiirsan doonto inay iibiso ka hor inta aanu si bilaash ah uga tegin.

Xidhiidhka ka dhexeeya tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa su’aal la gelinayaa, hase yeeshee Pogba oo hadlay kaddib wacdarihii uu xalay dhigay ayaa waxa uu meesha ka saaray inay wax turxaan ahi ka jiraan isaga iyo tababaraha dhexdooda.

Waxa kale oo uu ka hadlay kulanka RB Leipzig ee ay ku xidhan tahay fursaddooda Champions League iyo libintii ay kasoo hooyeen West Ham, waxaanu yidhi: “Si fiican ayaanu u ciyaarnay (kulankii West Ham). Waxaanu u ciyaarnay sidii aanu jeclayn.

“Ciyaartii RB Leipzig markii aanu dheelnay ee aanu goolasha dhalinay qaybtii dambe, sidii oo kale ayay tanna ahayd. Waxay ahayd laba taabasho-laba-taabo iyo hal taabasho.

“Goolkii uu Rashy dhaliyey wuxuu ahaa hal-taabasho kubbad ah. Wuu qurux badanaa. Waxaanu haysanaa koox tayo leh oo sidaa samayn karta, waase inaanu samayno bilowga horeba.

Shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka, Manchester United waxa lagala hormaray goolal ka hor intii aanay soo laabanin, waxaanay dhamaantood soo garaaceen Brighton, Newcastle United, Everton, Southampton iyo West Ham oo ugu dambaysay oo dhamaantood goolal kala hor maray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More