Amiir u dhashay Sacuudiga oo si adag ugu dhaleeceeyay Israel

Amiir Sacuudiga ah Turki al-Faisal al-Saudi oo ka hadlaya IISS Manama Dialogue, Diseembar 6, 2020 .

Amiir caan ah oo dhashay Sucuudiga ayaa si adag u dhaleeceeyay Israa’iil ka dib shirkii amniga Bariga dhexe ee dhacay Baxrayn oo sanado badan ka dib markii ugu horaysay uu ka qayb galay wasiirka arrimaha dibedda ee Israa’iil, oo ku raaxaysanaya heshiiskii uu lagalay wadamada Carabta qaarkood.

Shirkaas oo aysan ka qayb galin Falastiin Hadaladii kululaa ee Amiir Turki bin Faysal Al Saud uu ka jeediyay shirkii Manama Dialogue wuxuu umuuqday mid uu ku canaananayay wasiirka arimaha dibada ee Israel isga oo aan Ixtiraamay saraakiisha Bahrain iyo Imaaraatka Carabta oo soo dhawayn uu muujiyay Wasiirka arimaha dibada Israel kadib heshiisyo lagu hagaajinayo xiriirkooda.

“Hadaanan lagu xallin heshiisyadaas, si kastaba ha noqotee, waa khilaafka tobannaan sano  u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta. Falastiiniyiintu waxa ay u arkaan heshiisyadaas mid mindi dhabarka looga saarayo walaalahooda Carabta ah iyo in uu khiyaano yahay ujeedka heshiiskaas” ayuu yiri Amiirka.

Amiir Turki bin Faisal wuxuu ku daray hadaladiisa isbarbar dhiga uu ku sameeyay waxa uu ku tilmaamay aragtida Israa’iil ee ah “in ay ilaashadaan nabada jecel mabaadi’da sare ee akhlaaqda” iyo waxa uu ku tilmaamay xaqiiqada fog ee madow ee Falastiin ee ku hoos noolaanshaha awooda “Reer Galbeedka gumaysanaya”.

Israel ayaa “ku xirtay [Falastiiniyiinta] xeryaha lagu ururiyo iyada oo ay aad ugu yartahay eedeymaha amniga – dhalinyaro iyo waayeel, haween iyo rag, kuwaas oo halkaas ku dhimanaya iyaga oo aan xarigooda wax sharci ah loomarin ”, ayuu yiri Amiir Turki.

“Waxa ay u duminayaan guryaha sida ay doonaan wayna khaarajinayaan cidda ay doonaan.” Ayuu yiri mar uu ka hadlayay tacadiyada ay gaystaan ciidanka Israel.

‘Boog furan’

Amiirka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay hubka Israel ee u qarsoon ah iyo in saraakiil sirdoon iyo Warbaahin warar been abuur ah samaynaya Israel ku sii dhexdaysay wadamada Carabta oo uu ugu horeeyo dalka Sucuudi Careebiya.

Isaga oo ku hadlaya luuqad aan caadi ahayn oo aflagaado ah, wuxuu Israel ku eedeeyay in ay isu muujisay in ay tahay “Dal yar, oo khatar ku jira, oo ay ku hareeraysan yihiin Wadamo dhiigyo cab ah oo doonaya in ay ka ciribtiraan jiritaankeeda”.

“Haddana waxa ay qirayaan in ay doonayaan in ay saaxiibo la noqdaan Sacuudi Carabiya,” ayuu yiri.

Amiirku wuxuu ku celiyey mowqifka rasmiga ah ee boqortooyada ee ah in xalku ku jiro hirgelinta Hindisaha Nabada ee Carabta, heshiiskii Sucuudigu garwadeenka ka ahaa ee 2002-dii kaas oo bixinaya in Israel ay xiriir buuxa la yeelato dhamaan dawladaha Carbeed si loogu helo qaranimadii Falastiin ee dhulka Israa’iil qabsatay 1967.

Wuxuu intaa ku daray: “Kuma daaweyn kartid nabar furan daawooyin xanuun baabi’iya iyo kuwo dilaa ah.”

Wasiirka arrimaha dibedda ee Israa’iil Gabi Ashkenazi, oo isla markiiba hadlay ka dib Amiir Turki, wuxuu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo sida aan uga xumahay hadalada wakiilka Sacuudiga. Ma aaminsani in ay ka tarjumayaan ruuxda iyo isbeddelada ka socda Bariga Dhexe. ”

Iska horimaadka iyo dib u soo noqoshada dambe ee u dhaxeysa Amiir Turki iyo ninka ay isku kalsoon yihiin Raysul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu intii lagu gudajiray shirkan ayaa muujiyay sii socoshada sii ballaadhinta diidmada ah ee Israel ee dad badan oo ku sugan gudaha Sacuudi Carabiya, in kasta oo ay jiraan dadaallo dawladdu taageerto oo lagu dhiirrigelinayo wacyigelinta kooxaha Yuhuudda iyo taageerayaasha Israel.

Ashkenazi, ayaa dhanka kale ku celisay mowqifka Israel ee ah in waxa lagu eedaynayo ay tahay maxaad ula heshii wayseen Falastiiniyiinta taasna ay khiyaar u leeyihiin sida uu hadalka u dhigay.

Ashkenazi, oo xulafo la ah Netanyahu oo ah ninka ay xafiiltamaan Benny Gantz ayaa yiri “Waxaan halkan ku kala dooran lahayn Falastiiniyiinta haddii aan xallinno iyo haddii kale, ama aan u aadno kulankaan eedeynta ah.”

Dore Gold, oo ah ninka ay aadka iskugu dhawyihiin Netanyahu iyo danjirihii hore ee Qaramada Midoobay ee Israel, ayaa si maldahan u sheegay in hadalada Amiir Faysal ay ahaayeen “eedeymihii hore – qaar badan oo ka mid ahna ay been yihiin”.

Amiir Turki waxa uu soo hogaaminayey sirdoonka Sacuudiga in ka badan 20 sano wuxuuna safiir ka soo noqday Mareykanka iyo Ingiriiska.

In kasta oo uusan hadda haynin jago rasmi ah, mowqifkiisa waxaa loo arkaa inuu si dhow ula mid yahay kan Boqor Salmaan.

Si kastaba ha noqotee, wiilka boqorka ee Jagada leh, oo ah 35-jir leh Dhaxal-sugaha Amiir Maxamed bin Salmaan, ayaa loo arkaa inuu leeyahay damac ballaaran oo ah inuu si aamusnaan leh ula macaamilo Israa’iil si uu uga hortago iskaashiga ay wadaagaan Iran iyo kobcinta maalgashiga shisheeye ee boqortooyada.

‘Ma aha safar fudud’

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Baxreyn Abdullatif al-Zayani, oo sidoo kale masraxa is dhaafsiga xiisadaha hadalada kulul ka hadlay wuxuu isku dayay in uu ka dhabeeyo kala duwanaanshaha hadaladiisa.

Sidaas oo ay tahay, wuxuu isaguna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xallinta khilaafka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ee salka ku haya xalka laba dowladood sida ay odorosay Hindisaha Nabadda ee Carabta.

“Jidka nabaddu ma aha socod fudud. Caqabado badan ayaa jiri doona inta jidka lagu jiro, ”ayuu yiri. “Waxaa jiri doona kacsanaan iyo hoos u dhac. Laakiin sagxada wadadaas, wadada nabada, waa arinta Israel iyo Falastiin. ” ayuu yiri.

Isaga oo dhaliil muuqda u jeedinaya Iran, al-Zayani wuxuu qaraarka ku darey khilaafka sidoo kale wuxuu meesha ka saari doonaa marmarsiiyo si uu qiil uga dhigto qaar ka mid ah hanjabaadaha lagu soo qaaday amniga gobolka.

In kasta oo hadalkii Amiir Turki uu ahaa Bareer cad, haddana walaaca labada dhinac ee Iran ayaa si tartiib tartiib ah isugu soo dhoweeyey Israa’iil iyo waddamada Khaliijka, Riyadh lafteeduna si deggan ayey u dhiseysay xiriir ay la leedahay dowladda Yuhuudda dhowr sano.

Warar bishii hore soo baxay oo sheegaya in Netanyahu uu wadahadal qarsoodi ah ku yeeshay Sacuudi Carabiya ayaa sii shiday wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in heshiis caadi ah oo lala galayo awooda ugu sareysa ee Khaliijka ay noqon karto sameynta. Si kastaba ha noqotee, Riyadh way beenisay in kulankaasi dhacay.

‘Ma u baahan tahay inaad aragto heshiis’

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Sabtidii in mowqifka boqortooyada uu yahay mid wali taagan.

”Waxaan si cad u cadeynay in si aan usii wadno howlaha caadiga ah aan u baahanahay inaan aragno xal u helida muranka Falastiin iyo sameynta dowlad rasmi ah oo Falastiin ah iyadoo la raacayo qorshooyinkii lagu soo bandhigay Hindisaha Nabadda Carabta ee 2002, ”ayuu yiri. wareysi uu kula yeeshay Manama.

Markii la weydiiyay in taasi ay meesha ka saarayso in xiriir lala yeesho Israel waqti dhow, wuxuu yiri “waxaan ku rajo weynahay in ay jirto waddo loo maro xalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israel”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More