10ka Kooxood Ee Ugu Sareeya Yurub – Liverpool Oo U Hooseysa

Liverpool oo ah kooxda difaacaneysa koobka Premier League ayaa kaliya sannad ka hor ku guuleysatay koobka Champions League.

Laakiin inkastoo ay taasi dhacday hadana UEFA ayaa ku heysa kooxda Jurgen Klopp kaalinta 10aad ee qiimeynta kooxaha Yurub iyagoo ka danbeeya Man United.

Reds waxay gaartay finalka Champions League sannadkii 2018 iyadoo guuldarro ay ka soo gaartay Real Madrid ka hor inta aysan qaadin Dhega Weyne sannadkii ku xigay.

Xilli ciyaareedkan waxay u soo gudbeen wareega 16 Champions League.

Inkastoo ay guulahaas gaareen xilli ciyaareedyadii u danbeysay hadana UEFA waxay Liverpool ku heysaa kaalinta 10aad sababo la xiriria qaabka ay u xisaabiyaan qiimeyntooda kala sareynta kooxaha Yurub.

UEFA waxay xisaabisaa natiijooyinka kulamada tartamada Yurub ee shantii sannadood ee ugu danbeysay, iyadoo qiimeynta haatan ay ka soo bilaabaneyso xilli ciyaareedkii 2016-17.

Inkastoo Liverpool ayaa dhibco badan heshay xilli ciyaareedkii 2018-19 iyo 2019-20 hadana waxay heleen EBER dhibcood xilli ciyaareedkii 2016-17 ka dib markii ay ku guuldareysteen inay u soo baxaan tartamada Yurub.

Reds ayaa ku dhameysatay kaalinta sideedaad xilli ciyaareedkaas 2015-16 iyadoo Brendan Rodgers la ceyriyay islamarkaana uu bedelay Klopp taasoo la micno aheyd in Reds ay u soo bixi weysay tartamada Yurub.

Dhibcaha ay dhumiyeen xilli ciyaareedkaas ayaa haatan ku haya kaalinta 10aad.

Laakiin madaama xilli ciyaareedka soo socda qiimeynta laga saaraya xilli ciyaareedka 2016-17, Liverpool ayaa ugu yaraan soo geli doonta kaalinta 3aad.

Kooxda difaacaneysa Champions League ee Bayern Munich ayaa u sareysa qiimeynta kooxaha Yurub ee UEFA.

Kooxda Jarmalka ayaa afar dhibcood ka sareysa kooxda kaalinta labaad ee Barcelona.

Juventus ayaa seddexaad fadhisa iyagoo ka horeeya Real Madrid inkastoo Los Blancos ay ku guuleysatay labo koob shantii sannadood ee ugu danbeysay (2016-17 iyo 2017-18).

Atletico Madrid iyo Manchester City ayaa soo kala galay kaalimaha shanaad iyo lixaad, iyadoo Paris Saint-Germain ay ku jirto kaalinta 7aad.

Manchester United ayaa ku jirta kaalinta 8aad inkastoo ay labo xilli ciyaareed ka dheeleen Europa League shantii sannadood ee ugu danbeysay.

Waxay dhibco badan heleen markii ay ku guuleysteen Europa League xilli ciyaareedkii 2016-17.

Kooxda ku takhasustay Sevilla ayaa fadhisa kaalinta 9aad iyagoo dhibic ka sareeya Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More