Real Madrid Oo War Ka Heshay Xiddigii Uu Xanuunka Korona

Zinedine Zidane ayaa war buuxa ka helay xiddigii kaga maqnaa xanuunka Korona Fayraska ee Luka Jovic, kaas oo kulamadii ugu dambeeyey kaga maqnaa xanuunkan oo asiibay xilli uu ku maqnaa ciyaaraha caalamiga ah.

Luka Jovic ayaa baadhitaankii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey lagaga waayay xanuunka Korona Fayraska, waxaana uu si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Khamiistii maanta, si uu iskugu diyaariyo kulanka Sevilla ee Sabtida.

Xiddigan reer Serbia oo waddankiisa Serbia laba gool usoo dhaliyey ayaa uu ku dhacay xanuunku isagoo aan kasoo dhoofin dalkiisa, waxaana uu ka maqnaa ciyaarihii ay kooxdiisu dhibaatoonaysay oo uu Zidane ku qasbanaaday inuu ciyaarsiiyo Mariano Diaz maadaama uu Karim Benzema kaga maqnaa dhaawac.

Los Blancos ayaa waxa kale oo kulamadii ugu dambeeyey ka maqnaa Sergio Ramos oo uu ka daba-tegay Dani Carvajal oo dib ugu laabtay dhaawac.

Zinedine Zidane oo loo sheegay inuu saddexda ciyaarood ee ugu soo horreeya ee kooxdiisa ku badbaadsado shaqadiisa ayaa waxa aannu ciyaarta Sabtida ee Sevilla heli doonin Ramos iyo Carvajal hase yeeshee waxa dib ugu soo laabanaya Alvaro Odriozola oo difaaca midig ka beddeli kara Lucas Vazquez.

Karim Benzema oo kulankii Shakhtar ciyaaray kaddib dhaawac uu muddo bil ku dhow u fadhiyey ayaa waxa uu isaguna qaatay tababarkii ugu dambeeyey, taas oo Zinedine Zidane siinaysa kala-doorasho uu afkiisa hore ugu kala xulan karo Jovic, Benzema iyo Mariano Diaz.

Labada ciyaarood ee xiga ee Borussia Monchengladbach oo ay ku xidhan tahay rajadooda Champions League ee xilli ciyaareedkan iyo Atletico Madrid oo uga sii dambaysa ayaa ah labada kulan ee kale ee muhiimadda weyn u leh Zidane, mustaqbalkiisuna uu ku xidhan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More