“Dhamaantayo Waanu Doonaynaa In Messi Yimaado PSG” –

Lionel Messi ayaa looga gacan haadinayaa garoonka Parc des Prince oo ay ciyaartoyda kooxda PSG ka dalbanayaan inay lasoo saxeexdaan marka uu dhamaado xili ciyaareedkan.

Neymar ayaa xalay dunida kaga yaabsaday markii uu sheegay in isaga iyo Lionel Messi ay midoobi doonaan xili ciyaareedka dambe oo ay wada ciyaari doonaan inkasta oo aanu bixinin magaca kooxda ay ku midoobi doonaan.

Kabtanka Barcelona oo uu heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan, isla markaana hore u caddeeyey inuu ka tagi doono Camp Nou oo uu cimrigiisa oo dhan kasoo ciyaarayay.

Kaddib hadalka Neymar Jr ee xalay, waxa isaguna warbaahinta la hadlay Leandro Paredes oo sheegay in dhamaan ciyaartoyda kooxda PSG ay sugayaan in Lionel Messi uu ugu yimaaddo Paris oo ay xili ciyaareedka dambe iska garab ciyaaraan.

Leandro Paredes oo u dhashay waddanka Argentina ayaa yidhi: “Messi miyuu imanayaa PSG? Sidaas ayaan rajaynayaa, dhamaantayona waanu doonaynaa inuu yimaaddo laakiin go’aankiisa ayay wax waliba ku xidhan yihiin.

“Waxaanu haysanaa koox cajiib ah, ciyaartooyo wanaagsan, dad fiican, taas ayaanu ka faa’iidaysanaynaa.

“Sida aan horeba u idhi, waxaan rajaynayaa in Leo uu qaadan doono go’aanka isaga u wanaagsan, annaguna aanu kusoo dhoweyn doono gacmo furan.”

Hadalka Leandro Paredes waxa  ka horreeyey Neymar oo kaddib guushii ay xalay ka gaadheen Manchester United yidhi: “Waxa aan doonayaa  in (Aniga & Messi) aanu garoonka dhexdiisa ku wada farxano mar kale.”

Mar la weydiiyey halka ay ku midoobi doonaan ee ay ka wada ciyaari doonaan, waxa uu ku jawaabay isaga oo qoslaya: “Kaalintayda ayuu ka ciyaari karaa, taasi dhibaato ilama aha aniga. Laakiin waxaan hubaa in sannadka dambe aanu meel ka wada ciyaari doono.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More