Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Fool-ka-foolka Ahaa Ee Saaka Dhex

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid, Florentino Perez ayaa saaka oo khamiis ah kulan toos ah la yeeshay Tababare Zinedine Zidane oo xaaladdu ku xun tahay, isla markaana guul-darrooyin xanuun badan loo xambaarinayay kulamadii ugu dambeeyey.

Real Madrid ayaa kusoo jirtay toddobaad dhibaato badan oo ay ciyaartii ugu dambaysay 2-0 ku garaacday Shakhtar Donetsk oo halis gelisay fursadda ay Los Blancos ugu gudbi karayso wareegga 16ka, inkasta oo haddii ay ka badiso Borussia Monchengladbach Arbacada usbuuca soo socda ay iska xaadirin doonto wareegga xiga.

Zinedine Zidane ayaa la sheegay in loo qabtay saddex ciyaarood oo uu mustaqbalkiisu ku xidhan yahay oo uu isku badbaadin karo, waxaana ugu soo horreysa Sevilla oo ay ku xigayso Monchengladbach oo Alfredo di Stefano ugu iman doonta iyo Atletico Madrid oo kasii dambaysa.

Saddexdan ciyaarood ayaa go’aamin doona mustaqbalka Zidane iyo sida xili ciyaareedka Real Madrid uu noqon doonto intaba.

Si kastaba, Florentino Perez ayaa saacadihii hore ee saaka kulan la yeeshay Zinedine Zidane, waxaanay isku arkeen xarunta tababarka ee Valdebebas.

Kulankan ayuu wargeyska Marca sheegay inay sidoo kale ciyaartoyda kooxda iyo shaqaalaha tababarku u dhamaayeen.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey ee Zidane iyo Perez ay yeeshaan tan iyo guul-darradii Kiev ay kala soo laabteen ayaa la sheegay inuu Madaxweynuhu kalsooni ugu muujiyey ciyaartoyda iyo tababarahaba, waxaanu u sheegay inay xaaladdu ku adag tahay kooxdooda laakiin ay leeyihiin awooddii ay kaga bixi lahaayeen.

Zidane iyo Florentino Perez ayaa lagu sawiray garoonka tababarka iyagoo isku salaamaya.

Marca waxa kale oo ay sheegtay in Madaxweynaha iyo Zidane ay isla soo qaadeen Sergio Ramos oo dhaawac kaga maqan kooxda iyo sidii heshiiskiisa loo cusboonaysiin lahaa.

Si kastaba, kulankan ayaan damaanad-qaad buuxda siinayn Zidane maadaama aanay kooxdu lahayn dulqaad sii xammili kara guul-darrooyin kale, ayna tahay inuu tababaraha reer France kasoo baxo shuruudda ah inuu guulo ka keeno saddexda ciyaarood ee loo qabtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More