Wiilka Maradona Oo Ka Dalbaday Lionel Messi Inuusan Mar

Wiilka Diego Maradona oo isna lagu magacaabo Diego Armando Maradona Sinagra ayaa doonaya inuu Lionel Messi iska dhiibo maaliyada No.10 ee Barcelona si uu ugu maamuuso aabihiisa geeriyooday.

34 jirkaan oo ah wiilka ugu weyn ee uu Maradona ka tagay ayaa sidoo kale jeclaan lahaa in howlgab laga dhigo lambar kasta oo uu aabihiis u soo xirtay koox walba si loogu sharfo Maradona kaasoo geeriyooday isbuucii la soo dhaafay markii uu wadnuhu istaagay.

Wareysi uu siiyay wargeyska Marca, Sinagra ayaa baaq u diray Messi iyo kooxaha uu u soo dheelay aabihiis.

“Kooxaha uu u soo dheelay oo ay ku jirto Barca. Waa inay howlgab ka dhigaan lambarkiisa taasi shaki kama qabo” ayuu yiri.

Mudadii uu joogay Napoli, Maradona wuxuu kula guuleystay labo koob oo horyaalka Serie A ah isagoo u xirnaa maaliyada No.10. Wuxuu sidoo kale Argentina la qaaday Koobka Adduunka isagoo xiran maaliyada No.10, wuxuu sumcad ku abuurtay koox iyo wadan.

Hadalka Sinagra ayaa imaanaya kaliya maalmo ka dib markii macalinka Marseille Andre Villas-Boas uu sheegay in FIFA ay tahay inay howlgab ka dhigto maaliyada No.10 dunida oo dhan si loogu maamuuso Maradona.

Isagoo ka hadlayay geerida Maradona isbuucii la soo dhaafay wuxuu yiri:

“Warka Maradona waa mid adag.” ayuu yiri. “Waxaan jeclaan lahaa in FIFA ay howlgab ka dhigto maaliyada No.10 ee tartamada oo dhan iyo kooxaha oo dhan.

“Waxay noqon laheyd maamuuskii ugu fiicnaa ee aan u sameyn karnay. Kubada cagta waxaa ka baxay shaqsi weyn.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More