Cristiano Ronaldo Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta ‘Lugta

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sannadkan ku guuleystay abaal-marinta ‘Lugta Dahabka ah’ ee ‘Golden Foot’, waxaana abaal-marintan qaaliga ah uu ku garaacay Lionel Messi oo aan waligii nasiib usoo yeelanin inuu hantiyo.

Sannad fiican umay ahayn Cristiano Ronaldo, waxaanu meel hore oo wareegga 16ka ah ay kooxdiisa Juventus kaga hadhay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkii hore, iyagoo kaliya dirqi ku qaaday horyaalka Serie A oo ay ku dhowaadeen inay lumiyaan.

Hase yeeshee shaki kuma jiro in Ronaldo uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan kubadda cagta, iyadoo xaqiiqaduna tahay inuu muddo 10 sannadood ka badan heerkaas soo gaadhsiisnaa, iyadoo ay xafiiltami jireen, dagaal adagna soo dhex maray Lionel Messi.

Shan mar oo uu abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or soo hantiyey kaddib, waxa uu hadda nasiib u yeeshay inuu ku biiro liiska xiddigaha dhifka ah ee la siiyey abaal-marinta ‘Golden Foot’.

Abaal0marintan ayaa ciyaartoyga la siiyaa hal mar oo kaliya, waxaana ciyaartoyda ku tartamaysa ay shuruuddooda ugu horreysaa ay tahay inay da’doodu ka weynaato 28 jir, taas oo sabab u ahayd in Ronaldo iyo Messi ay hantiyi waayaan waqtiyo aanay xataa jirin cid kale oo lasoo hadal-qaado marka laga hadlayo ciyaartoy wanaagsan.

Guddi wariyeyaal ah ayaa go’aamiya ciyaartoyga ku guuleysanaya abaal-marintan, iyagoo marka hore soo xula 10 laacib oo laga sii dhex-doorto midka ugu wanaagsan.

Sannadkii 2003 ayuu abaal-marintan hantiyey halyeygii reer Talyaani ee Roberto Bagio, waxaana sannadkii xigay qaatay Pavel Nedved oo uu uga dambeeyey Andriy Shevchenkno, halka Ronaldo Nazario iyo Alessandro del Piero ay iyaguna sannadihii xigay qaateen.

Xiddigii ugu dambeeyey ee abaal-marintan ku guuleystaa wuxuu ahaa Luka Modric oo ay uga horreeyeen Edinson Cavani, Iker Casillas, Buffon iyo Samuel Eto’o.

Halkan kaga bogo 18kii ciyaartoy ee kusoo guuleystay abaal-marintan:

2005 – Andriy Shevchenko

2007 – Alessandro del Piero

2008 – Roberto Carlos

2012 – Zlatan Ibrahimovic

2016 – Gianluigi Buffon

2020 – Cristiano Ronaldo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More