Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Sababta ay u kala

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta u qabtay Shirjaraaid ayaa faah-faahiyay xiriirka Soomaaliya & Kenya, isaga oo eedeyn aan xad lahayn la dul istaagay Xukuumadda Nairobi.

Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhowrto derisnimada, xiriirka & madax bannaanideeda, balse iyada aysan ilaalin, taas badalkeed ay ka shaqeyso safar ku dhibista Shacabka Soomaaliyeed iyo in ay sandullo ku maraan Wajeer.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Nairobi in ay martigeliso dad uu ku tilmaamay in ay dhibaato ka wadaan Dalka, taasina ay baalmarsan tahay xiriirka derisnimo ee labo dal ka dhaxeeya.

Dhanka Ganacsiga ayuu ku dhaliilay in ay diiday ka faaiideysiga waxsoosaarta Soomaaliya, halka ay daneyneyso in ay dhaqaale badan ka hesho dalka, balse go’aankaas uu dhaliyay in XFS ay qaadato go’aan ay ku muujineyso sida ay uga xun tahay qaabka Xukuumadda Nairobi ay wax u wado.

Go’aanka u yeerista Safiirka Soomaaliya ee Kenya & dalkiisa ku celinta Danjiraha dalkaas ayuu ku sheegay in lagu soo beegay waqtiga loogu talagalay, maadaama dabac siyaasadeed laga waayay sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Kenya ayuu ku dhaliilay in ay ka baxeen Deegaanno dhaca Gobolka Gedo oo ay dusha ka saaran yahay sugidda amniga iyaga oo aan sameyn wax wargelin ah taasina ay ka baxsan xiriirka & wada-shaqeynta.

Ugu dambeyn waxa uu digniin u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka, isaga oo sheegay in uu u jeydinayo ka waantoobidda danaha gaarka ah oo fursad u ah Dowladaha.

Wariyaasha ayaa Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe weydiiyay waxyaabaha wanaajiyay xiriirka Dowladda Federaalkka ee Itoobiya & waxa xumeeyay Cilaaqaadka kala dhaxeeya Dowladda Kenya.

Dubbe ayaa ku jawaabay in Xukuumadda Addis Ababa aysan faragelin ku heyn Arrimaha siyaasadda Soomaaliya, halka Kenya ay si toos ah & qaab dadban ay u faragelineyso Xaaladda dalka.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More