Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Mudada Uu Goolhaye Alisson

Liverpoo ayaa ku soo bilowday goolhayaha da’da yar ee reer Ireland Coaimhin Kelleher kulanka ay caawa la ciyaarayaan Ajax ee Champions League ka dib markii goolhaye Alisson uu ku seegay dhaawac muruqa ah.

Kelleher ayaa safan doona kulankiisii ugu horeysay ee Yurub ee Reds iyadoo Adrian oo caadiyan ahaa goolhayaha ku xiga Alisson uu kursiga keydka fadhiyo.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Alisson uu wajahayo inuu garoomada ka maqnaado 10 ilaa 14 maalmood taasoo la micno ah inuu seegayo kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Wolves.

“Alisson ma qabo Korona Fayras” ayuu yiri Klopp.

“Wuxuu inoo sheegay ka dib ciyaartii Brighton inuu xanuun ka dareemay muruqiisa bowdada. Waxaa lagu sameeyay baaritaan, waa dhaawac yar laakiin waxa uu maqnaanayaa maanta iyo isbuuca soo socda.”

Adrian ayaa bedelay Alisson markii uu goolhayaha reer Brazil ku maqnaa dhaawac horaantii xilli ciyaareedkan laakiin goolhayihii hore ee West Ham ayaa wajahay qarow iyadoo Liverpool ay guuldarro 7-2 ka soo gaartay Aston Villa.

Ka dib wuxuu saftay kulankii barbaraha 2-2 ay la galeen Everton isagoo sidoo kale shabaqa ilaalinayay kulankii ay Reds 1-0 kaga badisay Ajax ee Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More