Xildhibaanada Galmudug kumetela Baarlamaanka oo saluugsan

MW DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye

Xildhibaan Mahad Maxamed Maxamed Salaad oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto dowlad-goboleedka Galmudug ayaa saluugay habdhanka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye qoor qoor ee arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa sheegay in madaxwynaha Galmudug Qoor qoor uu ku mashquulsanyahay socdaalka uu ku tago Turkiga, magaaladda Muqdisho iyo Xafiiska agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir, deegaanadda maamulkiisana ay socdaal dagaalo u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo, Al shabaabna ay ka fuliyaan weeraro dhiig ku daatay sida uu hadalka u dhigay.

“Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug weerar shalay Alshabaab ku qaadeen waxa Ay ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo. Gaadiid dagaalna (Tikniko) waa ku qabsadeen” ayuu yiri Mahad Salaad wasiirkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

“Wadada Guriceel iyo Dhuusamareeb isku xirta dhowr iyo toban sano kadib waa markii ugu horaysay oo dadka shacabka ah cabsi Alshabaab la’mari waayaan. Mas’uul xil hayana warkiisaba daay. Taliyaha Xooga Gen Odowaa waa tii maalmo kahor miinada loo geliyay Ilaaheyna ka badbaadiyay” ayuu hadalkiisa raaciyay Xildhibaanka oo qiray in dhawr mar Al Shabaab weerar ku qaadeen Airport-ka magaaladda Dhuusamareeb caasimadda maamulka Galmudug.

“Airport ka Dhuusamareeb Alshabaab dhowr mar ayay duqeeyeen, diyaaradii Hogaamiye Qoorqoor sidayna dhowr asbuuc kahor waa tii gantaalaha lidka diyaaradaha ku garaaceen mudo yar kadib markii ay ka duushay airport ka Dhuusamareeb” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in deegaanada Galmudug ay ka socdaan dagaal beelleedyo dhiig badan ku daaday isla markaana madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye ku mashquulsanyahay shaqooyin ka baxsan kuwii loo doortay sida uu hadalka u dhigay.

“Hogaamiye Qoorqoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa, deegaankii loo doortayna waxaas oo dhibaato ah ayaa kajira, maantana magaalada dhexdeeda ayuu ku soo dhajistay boor ay ku qorantahay GALMUDUG WARANKII YAANBAY KA TUMATAY!” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo inta badan golihiisa wasiiradda ayaa ku dhawaad bil ka maqan deegaanada maamulkaasi, waxaana lagu eedeeyay in uu madaxtooyada Galmudug loo soo raray magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Xildhibaanadda Galmudug iyo gudoonka ayaa sidoo kale ku sugan magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay ku qaadanayaan tababaro, waxa ayna kula gaar gaar ah la qaateen xubnaha u doon doonaya in ay ka midnoqdan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Magaaladda Dhuusamareeb ayaa tan iyo markii horaantii sanadkaan laga saaray maamulkii Ahlusunna Waljamaaca waxaa laga soo warinayay in ay Al shabaab weeraro ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaaladaasi iyo deegaanadda dhaca bariga magaaladda Dhuusamareeb.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More