Jamaahiirta Real Madrid Oo Kala Doortay Erling Haaland &

Jamaahiirta Real Madrid ayaa kala doortay labada weeraryahan ee Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo lala xidhiidhinayo kooxda reer Spain inay lasoo saxeexan doonto.

Real Madrid oo ka dhibaataysan afka hore ee dhalinta goolasha ayaa la rumaysan yahay in xagaaga foodda inagu soo haya ay samayn doonto saxeex weyn oo saldhig u noqon doono dhismaha boqortooyo cusub oo lagu binayn doono xiddigaha Kylian Mbappe iyo Erling Haaland, kuwaas oo lasoo raacin doono kubbad-sameeyeyaal ka caawiye inay goolal badan dhalin karaan.

Kylian Mbappe oo heshiiskiisa PSG uu ku egyahay xagaaga 2022 ayay Los Blancos ku riixaysaa inuu iska diido inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa si ay ugu qasbaan in laga iibiyo dhamaadka xili ciyaareedka, laakiin Erling Haaland ayaa isagana ay soo baxayaan xogo muujinaya in qandaraaskiisa Borussia Dortmund lagu burburin karayo lacag aad uga jaban midka Kylian Mbappe.

Daraasad uu sameeyey wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu kusoo bandhigay laacibka ay doonayaan taageereyaasha Real Madrid inuu noqdo saxeexa koowaad ee weerarka dhalinta, iyagoo kala doortay Erling Haaland iyo Mbappe.

Wargeyska ayaa daraasaddiisa waxa uu ku sheegay in taageereyaasha Real Madrid ay jecel yihiin in saxeexa ugu horreeya ee ay kooxdoodu samaynayso uu noqdo weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo ay da’diisu tahay 20 jir, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu xallin doono dhibaatada dhalinta goolasha ka haysata kooxdooda.

Haaland oo bishan ku guuleystay abaal-marinta Golden Boy ayaa waxa uu Kylian Mbappe kaga duwan yahay inuu yahay weeraryahan toos ah oo dhalinta goolasha ku fiican, halka uu laacibka reer France inta badan kasoo ciyaaro garabka.

64 boqolkiiba taageereyaasha ayaa waxay doorteen Haaland, halka inta kalena ay Mbappe u codeeyeen, taas oo Los Blancos ku riixi doonta inay dhinaca Haaland si aad ah uga hawlgalaan, iyadoo ay waliba jirto in £65 milyan oo Gini qandaraaskiisa lagu burburin karayo.

Waxa kale oo Haaland kaga horreeya Santiago Bernabeu laacibka ay isku waddanka yihiin ee Martin Odegaard oo ay Los Blancos u adeegsan doonto inuu kusoo qanciyo inuu yimaaddo Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More