Xisbiyadda mucaaradka oo ku hanjabay in ay qaban doonaan

Musharraxiinta mucaaradka ah ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la kala diro dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka xilli ay soo gabagabeeyeen kulan maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in guddigan lagu soo daray xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda gaar ahaan nabadsugidda iyo sirddoonka, shaqaalaha maamulka, shaqaalaha madaxtooyada iyo shakhsiyaad taageero u ah madaxweynaha.

Musharraxiinta mucaaradka waxay ku hanjabeen in ay qabaan doorasho kale waa haddii dowladda ay ku adkeysato in aan wax laga baddalin hanaanka doorashada ee haatan muranka badan dhaliyay.

“Haddii Dowladda Federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.” ayaa lagu yiri war murtiyeedka kasoo baxay mucaaradka.

“Goluhu waxaa uu isku raaca dhismaha Guddiga badbaadinta doorashooyinka Qaranka oo ay xubno ka yihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada, sida Ganacsatada, Odayaasha Dhaqanka, Ururada Bulshada rayidka, Culimada, haweenka iyo Dhalinyarada si loo xaqiijiyo samatabixinta dalka iyo qabashada doorasho hehsiis lagu yahay si xilliga kala-guur ah, xasiloonida & midnimada dalka loo ilaaliyo” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Hogaamiyayaasha Dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka leexden sidii wanaagsanaa ee la doonayo in lagu hoggaamiyo doorashooyinka dalka, isla markaana ay tahay nasiib darro inay isku dayaan inay boobaan doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay munaasbad ay musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ay kusoo bandhigeen warmuriyeedka shirka u socday ayaa waxaa uu sheegay in musharixiinta ay garteen in dalka meesha uu us ocda laga soo leexo si loo qabto doorasho la iska wada ogol yahay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweyhinii hore ee Soomaaliya waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in musharixiinta Hogaamiyaha aysan aheyn kuwo colaad wada balse ay wadaan sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo badbaadiin lahaa.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhibaatooyin kala duwan  oo cadaalad darro ay keentay uu dalka soo maray, hayeeshee xilligaan loo baahan yahay in la abuuro kalsooni ku imaan karta in la ilalaiyo sharciga dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More