Maxay Real Madrid U Baahan Tahay Si Ay Ugu Gudubto Wareegga

Real Madrid ayaa xalay kaalinta labaad ee Group B si buuxda ugu fadhiisatay kaddib markii ay guul dahabi ah ka gaadheen Inter Milan oo ay ugu tageen garoonka San Siro Stadium.

Kooxda reer Spain oo ay dersin ciyaartooyo muhiim ahi dhaawac kaga maqnaayeen ayaa toddoba dhibcood yeelatay kaddib 2-0 ay ku dhufatay toban ciyaartoy oo Inter ah oo uu waqti hore casaan ka qaatay Arturo Vidal.

Tababare Zidane ayaa shax wax badan ka beddelan yihiin kusoo galay garoonka, waxaanu kaydka dhigay afarta ciyaartoy ee reer Brazil ee Casemiro, Vinicius, Rodrygo iyo  Marcelo halka uu xanuun ku maqnaa laacibkooda shanaad ee ay isku waddanka yihiin ee Eder Militao.

Borussia Monchengladbach ayaa iyaduna libin weyn ka heshay kulankii ay kusoo dhoweysaty Shakhtar Donetsk, waxaanay ku garaacday 4-0, taas oo keentay inay hoggaanka si buuxda ugu fadhiisato kooxda Jarmalka ah oo siddeed  dhibcood yeelatay.

Natiijooyinka kasoo baxay kulankani waxay farxad weyn siiyeen Borussia Monchengladbach oo u baahan saddex dhibcood oo kaliya si ay ugu gudubto wareegga xiga iyo Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta  oo saddex dhibcood ka horreysa kooxdii ka naxsatay bilowgii Champions League ee Shakhtar Donetsk.

Haddii Real Madrid ay guul weyn kasoo gaadho kulanka usbuuca dambe ee Shakhtar Donetsk ay u tegayso, waxay si cad iskaga xaaidrin doontaa wareegga 16ka iyadoo aan koox kale garab uga baahanin.

Si ay ugu dagaallanto booska ugu sarreeya ee Group-kan, waxa kale oo ay u baahanayaan inay sidoo kale ka badiyaan Gladbach oo ay hal ciyaar ahi iskugu hadhsan tahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More