Waa Maxay Sababta Ay Barcelona 4.4 Milyan U Siisay Borussia

Barcelona ayaa lagu qasbay inay isbuucaan miiska u saarto Borussia Dortmund lacag gaareysa 4.4 milyan ginni madaama xiddiga fashilmay Ousmane Dembele uu saftay in ka badan 50 kulan horyaalka.

Kooxda Catalans ayaa xiddiga reer France oo 23 sanno jir ah waxay kula soo wareegtay lacag qaali ah sannadkii 2017.

Sida ay sheegtay majalada Kickker, Barca ayaa kula heshiisay kooxda Jarmalka inay bixin doonto lacago dheeri ah oo ku xirnaan doona safashada ciyaaryahanka iyo guulaha uu gaaro.

Lacagta ilaa iyo haatan Barcelona uga baxsay saxiixa Dembele waa 115 milyan ginni laakiin waxay gaari doontaa 136 milyan ginni.

Barca ayaa qasab ay ku noqotay inay bixiso 4.4 milyan ginni mar kasta oo tiro cayiman u safto kooxda oo ay ku jirto kulankiisa 25aad, kulankiisa 50aad, kulankiisa 75aad iyo kulankiisa 100aad.

Borussia Dortmund ayaa durababa ku dhow inay lacag kale ka hesho Barcelona madaama Dembele uu u muuqdo mid ku dhow kulankiisii 75aad ee horyaalka,.

Horyaalka La Liga wuxuu haatan saftay 57 kulan, 18 kulan ayuu ciyaaray Champions League halka Copa del Rey uu saftay todoba jeer isagoo hal kulan ciyaaray Super Cup.

83 kulan ayuu tartamada oo dhan u dheelay kooxda Ronad Koeman isagoo u dhaliyay 22 gool.

Laakiin Dembele ayaa ku dhawaaday inuu ka tago Spain isagoo iska diiday bishii October inuu amaah ugu wareego Manchester United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More