Maalintii Hore Anigaa Maqnaa!! Romelu Lukaku Oo DIGNIIN U

Weeraryahanka Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa rumaysan in kooxdiisu ay tahay mid awood badan oo jawaab siin karta Real Madrid, kagana aargoosan karta Giuzeppe Meazza Arbacada toddobaadkan.

Romelu Lukaku ayaa ka maqnaa ciyaartii hore ee Inter Milan iyo Real Madrid ee waddanka Spain ee ay guushu ku raacday kooxda reer Spain, laakiin waxa uu taam u yahay kulanka Arbacada ay kusoo dhoweynayaan Los Blancos, kaas oo labada kooxoodba muhiimad weyn u leh.

Inter Milan ayaa laba dhibcood oo kaliya ka haysata saddex kulan oo Champions League, waxaanay khatar ugu jirtaa inay ka hadho tartanka haddii ay guul ka keeni weydo ciyaarta ay kusoo dhoweynayaan Real Madrid oo iyaduna haysata afar dhibcood.

Kulankii ugu dambeeyey labada kooxood oo ka dhacay garoonka Real Madrid ayaa waxa uu kusoo dhamaaday 3-2 lagu soo garaacay Los Blancos, laakiin Romelu Lukaku oo ka maqnaa ciyaartaas ayaa rumaysan in ay markan ka aarsan doonaan, ayna soo noolayn doonaan rajadooda.

“Masii ahaanayno koox weyn haddii aanu usii dhibaatoono sidii nagu dhacday, walina ma hinin koox wanaagsan.” Ayuu yidhi Romelu Lukaku oo hadlayay kaddib ciyaartii ay 4-2 kaga badiyeen Torino.

“Lixdankii daqiiqadood ee ugu horreeyey aad ayay ciyaartayadu u liidatay, waxa aanu ku jirnay dhibaato, waxaananu ku ciyaaraynay mooganaan ama sidii kuwo aan dareen badan lahayn. Laakiin dhamaadkii, hurdada ayaanu ka kacnay waxaananu helnay saddexda dhibcood.”

Romelu Lukaku oo ka hadlayay kulanka Real Madrid, waxa uu sheegay inuu yahay ciyaartoy damac leh oo doonaya inuu ku guuleysto koobka, waxaanu yidhi: “Waxaan ahay ciyaartoy kora, maalin kastana horumar samaynaya oo doonaya inuu horyaalka noqdo. Champions League inaan ku guuleysto ayaa ah dhiiranaantayda. Waxaan ahay ciyaartoy wanaagsan oo haysta koox wanaagsan oo i caawinaysa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More