Miyay Liverpool Saxeexyo Cusub Samaynaysaa Bisha January?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay arrimaha kooxdiisa ee suuqa kala iibsiga ee bisha January iyo haddiiba ay saxeexyo cusub ka samaynayaan xilli ay jamaahiirtu aad uga war sugayeen.

Labada daafac dhexe ee dookha koowaad u ahaa Liverpool ee Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez ayaa labadaba dhaawacyo mudo dheer ah loo diray iyadoo ay macquul tahay inay maqnaadaan inta ka hadhsan xilli ciyaareedkan oo dhan.

Sidoo kale daafaca midig ee kooxdaas ee Trent Alexander Arnold ayaa dhaawac mudo ah qaba iyadoo Andrew Robertson uu yahay daafaca kaliya ee asaasi usoo ahaa Liverpool ee caawa kahor tagaya Leicester City.

Klopp oo kahor kulanka Foxes saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuusan gabi ahaanba garanayn waxa ay qaban karaan suuqa bisha January balse ay ka fikirayaan xaalada haatan oo ay ku xalin doonaan daafacyo da’yar ah iyo khadadka dhexe ee booska daafaca ka ciyaari kara.

Jurgen ayaa yidhi “Anigu ma garanayo waxa aanu January samayn karno daacad ahaantii, wax aragti ah kama haysto”

“Waxaanu halkan ku haysanaa ciyaartoy hibo leh oo da’yar oo ah 18 sano jir, 19 iyo 23, kaddib waxaanu haysanaa ciyaartoy khibrad badan leh, waynu arki doonaa”

“Waxaanu haysanaa khadad dhexe, imika ma haysano balse waxaan ku rajo weynahay inaanu haysan doono dhawr toddobaad gudahood kuwaas oo ka ciyaari kara doorar daafac, kuwani waa xalalka aanu wakhti xaadirkan haysano laakiin wax aragti ah kama haysto waxa aanu qaban karno iyo haddii aanu wax qaban karno January”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More