“Anigu Koox Sumaysan Ayaan La Wareegay” – Mikel Arteta Oo

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa weerar ku qaaday macallinkii shaqada uga horreeyey ee Unai Emery, waxaanu tilmaamay inuu kala wareegay ‘jawi sumaysan’ oo ‘naxdin leh’ sidii ay gudaha kooxda koowaad ahay.

Arteta ayaa beddelay Emery iyadoo muddo koobanna uu si ku-meelgaadh ah ugu dhexeeyey Ljungberg, laakiin waxa la xasuusan yahay in laacibka khadka dhexe ee Granit Xhaka laga xayuubiyey kabtannimada maalmihii ugu dambeeyey ee tababaraha reer Spain, isla markaana uu ku dhowaa inuu iskaga tago kooxda iyadoo ay taageereyaashuna ku ooriyeen kulan la beddelay.

Isaga oo waraysi siiinayay website-ka Arsenal, waxa uu Mikel Arteta qiray inuu aad uga shaqeeyey sidii uu u dhisi lahaa xidhiidhka kooxda iyo in ciyaartoyda saaxiibtinimadoodii iyo niyad-samaantii uu soo celiyo, isagoo sidii kooxdu ahayd na ku tilmaamay jawi sumaysan oo argagax lahaa.

Arteta ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Si degdeg ah uma dhisi kartid wax cusub, marka waxaas hore loogu geystay dhaawac iyo dhibaato xun. Waxaad arkaysay kala qaybsanaan weyn oo u dhaxaysay taageereyaashayada iyo kooxda.

“Waa inaad dhisto xidhiidhkaas. Si aad taas u samayso, waa inaad seeska kasoo bilowdo dhismaha adigoo raacaya nidaamka bilowda, waana inaad u kala doorato siday u kala mudan yihiin, isla markaana aad ogtahay waxa aad samaynayso.

“Si aad taas u samayso, waxaad u baahan tahay inaad waxyaabaha qaarkood soo buuxiyo, adigoo bilaabaya inaad abuurto hal-xidhaale oo aad isku daydo inaad xalliso sababtoo ah, waxa jiraya waqtiyo xun oo aadan doonayn inay ku jabiyaan.

“Mar walba waa inaad feejignaato maxaa yeelay si fudud ayay ku burburi karayaan waxyaabaha aad dhisaysay.”

Mikel Arteta ayay kooxdiisu u baahan tahay inay kasoo kabato guul-darradii 3-0 ahayd ee ay Aston Villa ku niyad-jabisay kulankii ugu dambeeyey horyaalka Premier League marka ay Leeds United kulmaan toddobaadkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More