Guddiga KMG ah ee diyaarinta Warbixinta Covid-19 oo u yeeray

Guddiga KMG ah ee Golaha Shacabka BFS u wakiishay warbixin kasoo diyaarinta Xaaladda Covid-19 ee Soomaaliya, tallaabooyinka la qaaday & dabagalka deeqihii gacanta Xukuumadda ku dhacay ayaa ka fadhiistay qorshe howleedka laga sugayo.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 9-ruux ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, waxaana ay go’aamiyeen in loo yeero Hay’adaha Caafimaadka Dowladda Federaalka ee qabtay shaqada la xiriirta Coronavirus.

Guddiga ayaa doonaya in ay su’aalo ka weydiiyaan shaqada xubnaha hortagaya si warbixin dhameystiran ay ugu gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka si Baarlamaanka Soomaaliya loogu gudbiyo xog dhameystiran.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa dhawaan markii uu magacaabay Guddigaan waxa uu ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xog baaris dhameystiran & natiijada usoo baxda.

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shalay soo gudbisay warbixintii ugu dambeysay ee xaaladda Covid-19 Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in uu dib usoo laba-kacleeyay cudurka Coronavirus, maadaama labadii todobaad ee lasoo dhaafay la diiwaangeliyay 150 kiis guud ahaan dalka.

Soomaaliya ayaa booska hoose kasoo gashay waddamada laga diiwaangeliyay cudurka Covid-19 guud ahaan caalamka, halka qaaradda Afrika ay kasoo gashay lambarka 37-aad ee kala sareynta dalalka kiisaska ugu badan cudurka laga diiwaangeliyay.

4,382-ruux ayuu guud ahaan Soomaaliya ku dhacay fayruska Covid-19, 108-qof ayaa u dhimatay, halka ay ka boksadeen 3,384-ruux sida ku xusan xog keydinta kiisaska Cudurka Coronavirus.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More