10-Ka Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Badan Premier League Oo La Soo Saaray, Laba Koox Ayaa Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh.

Inkastoo Chelsea aysan ka mid ahayn 10-ka kooxood ee ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan, waxay heystaan ​​​​laba ciyaaryahan oo ka mid ah 10-ka ciyaaryahan ee ugu dakhliga badan tartanka.

Taasi waa sida laga soo xigtay Capology, mareegaha diiradda saaraya mushaharka ciyaartoyda kubbadda cagta.

- Advertisement -

10-ka sare waxaa u badan kooxaha reer Manchester ee Man United oo ku leh 4 xiddig iyo Man City oo ku leh 3 xiddig.

Dhanka Chelsea, waxaa u matalaya labo ciyaaryahan oo kooxda ku soo biiray xagaagii hore – Raheem Sterling iyo Kalidou Koulibaly kuwaas oo mushahar badan ka qaata kooxda.

Kooxda kale ee halka xiddig ku leh 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan premier League ayaa ah Liverpool kuwaas oo ku leh xiddiga Mohamed Salah kaas oo heshiis cusub u saxiixay kooxda.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept