Home Somali #Yariisow oo shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda

#Yariisow oo shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda

9
SHARE

Muqdishu – Soomaaliya (Jowhar)— Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo Agaasimaha Maamulka oo lagu magacaabo Xasal Basal.

Qoraal kooban uu Wasiirku soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in labada Agaasime shaqada looga fariisiyay eedeymo la xiriira maamul xumo iyo musuq maasuq.

“Dowladda Federaalka wey ka go’an tahay inay si kasta ula dagaasho maamul xumada iyo musuq maasuqa”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in si KMG ah  xilka Agaasimaha Guud u sii heynayo  C/raxmaan Al-Cadaala oo horay u ahaa Madaxii Wakaalada wararka ee SONNA.

Wasiirka Warfaafinta ayaa si bedel iyo xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimayaasha kale ee waaxyaha, waxaa Agaasimaha Telefishinka Qaranka ee SNTV loo magacaabay Liibaan Cabdi Cali, halka Agaasimihii xilkaas hayay C/naasir Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Qorsheynta.

Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa waxaa loo magacaabay C/fataax Daahir Jeyte, iyadoo xilka laga Agaasimaha Radio laga qaaday Axmed Gaatamow.

Waxaa kaloo Agaasimaha Wakaalada wararka Soomaaliyeed loo magacaabay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Heybe.

Is bedelkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee uu wasiirka sameeyay, tan iyo markii dib loogu magacaabay xilka Wasaaradda Warfaafinta, waxaana loo arkaa tallaabo lama filaan aheyd oo uu qaaday dhinaca la xisaabtanka, maamulka iyo la dagaalanka musuq maasuqa ah.

Ugu dmabeyn C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda hayay muddo 10 sanno ah, waxaana xilkan uu soo qabtay sanadkii 2007-dii, isagoo ka hor ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho.

Axadle Times
Axadle International Monitoring – East Africa
info@axadletimes.com

0 Users (0 votes)
Criterion 1
What people say... Leave your rating
Sort by:

Be the first to leave a review.

User Avatar
{{{ review.rating_title }}}
{{{review.rating_comment | nl2br}}}

Show more
{{ pageNumber+1 }}
Leave your rating

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA