Home Somali Vladimir Putin ayaa laga yaba in uu hadiyad lama filaan ah farta...

Vladimir Putin ayaa laga yaba in uu hadiyad lama filaan ah farta ka saaro Donald Trump

62
SHARE
Vladimir Putin ayaa laga yaba in uu hadiyad lama filaan ah farta ka saaro Donald Trump
Vladimir Putin ayaa laga yaba in uu hadiyad lama filaan ah farta ka saaro Donald Trump

Dowladda Russia ayaa lagayabaa inay sirdoonka baxsadka ah ee lagu magacaabo Edward Snowden dib ugu celiso gacmaha dowladda Mareykanka.

Wararka waxaay intaas ku darayaan in madaxweynaha Russia Vladimir Putin uu hadiyaddaan lama filaanka ah farta ka saari doono dhiggiisa USA Donald Trump, sida ay sheegayaan warar laga helay sirdoonka Mareykanka.

Ninka ku cusub taliska White House Mr. Trump ayaa wuxuu ku tilmaamay 33 sanno jirkaan Edward Snowden jaajuus ahna khiyaanoole u qalma in la toogto.

Hadalkaani wuxuu kasoo yeeray 70 sanno jirkaan Trump maadaama Snowden uu bannaanka soo dhigay sir badan oo uu u hayey dowladda Mareykanka isagoo ahaa Injineer ka tirsan Waaxda Sirdoonka Mareykanka Central Intelligence Agency (CIA).

Madaxweynaha Russia Vladimir Putin oo doonaya inuu wanaajiyo xiriirka ka dhexeeyo taliska Moscow iyo Washington ayaana haatan lagu soo waramayaa inuu Snowden farta ka saari doono Trump.

Sarkaal sarre oo USA ah ayaana Jimcadii u sheegay hillinka NBC News inay tallaabadaani dareen ahaan noqon doonto mid isku soo dhoweyneysa labada dowladood ee uu ka dhexeeyo Dagaalka Qaboow.

Snowden ayaa wuxuu seddaxdii sanno ee lasoo dhaafay megen-gelyo siyaasadeed ku joogay dalka Russia. Qareenkiisa Ben Wizner ayaana qirtay in uusan ka warheyn haddii Russia ay gacanta u gelin doonto Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, lataliyihii hore ee dhanka ammaanka Mareykanka Juan Zarate ayaa wuxuu aaminsan yahay in aysan jirin cid saadaal sax ah ka bixin karta haddii uu Putin qaadi doonto tallaabadaan lama filaanka ah isagoo Snowden u gacan gelinaya taliska Trump.

0 Users (0 votes)
Criterion 1
What people say... Leave your rating
Sort by:

Be the first to leave a review.

User Avatar
{{{ review.rating_title }}}
{{{review.rating_comment | nl2br}}}

Show more
{{ pageNumber+1 }}
Leave your rating

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA