SHARE
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay xilalka ka qaaday taliyayaaasha Ciidamada Booliska.

Nabad Sugida, Xoogga dalka Soomaliyeed iyo Asluubta Soomaliyeed, iyadoo la magacaabay Taliyayaal Cusub oo la sugayo In ay isbadal ku sameeyeen amniga dalka.

Waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan mas’uuliyiin kale oo todobaadyadda soo socda laga qaadi doono xilalka ay hayaan, waana isbadalka uu wadda Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Mas’uuliyiinta miiska u saaran Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ah:

1-Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir.

2-Hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

3-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Ibraahin Iidle Saleebaan.

4-Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed.

5-Taliyaha laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha General Maxamed Aadan Koofi.

6-Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Mas’uuliyiintaan ayaa xilalka loo magacaabay Dowladdii uu Hogaaminayay Madaxweynihii Hore ee Soomliya Xasan Shiikh Maxamuud, mudadii ay xilalka hayeen ayaa qaarkood waxaa lagu eedeeyay in ay si waanaagsan u gudan waayeen shaqooyinkii loo ikmaday, qaarna ay si kale u adeegsadeen xilalkooda.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaaya warar sheegaya in mas’uuliyiintaani xilka laga qaadi doono kadib meelmarinta mas’uuliyiinta la magacaabay.

Axadle Times
Axadle International Monitoring – Somalia
info@axadletimes.com

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA