SHARE
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Sida lagu dabacay wargeyska Klassekampen iyo qeybo badan oo kamid ah warbaahinta Norway.

Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa rabo inuu xil diblimaasinimo ama lataliye u magacaabo Mahad Abiib oo dowlada Norway ay kala noqotay sharcigiisa jinsiyada dhalashadda Norway.

Klassekampen oo soo xiganayo lataliye katirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya M.A Farmaajo, arrinta magacaabista xilka Mahad ayaa ah mid si toos ah uga timid madaxweyna Soomaaliya.

Waa rabitaanka madaxweynaha in Mahad uu imaado Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaana rabnaa inaan ka codsanayo dowlada Norway, inay Mahad usoo saarto warqado(Basaboor) safar.

Qofkan ay Klassekampen warka kasoo xiganeyso ayaa sidoo kale raaciyay in safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub, Amb. Said Ali Fiqi uu hada ku suganyahay magaalada Muqdisho. isla markaana uu arrintan warbixinteeda hayo oo lagu wargaliyay.

Gudoomiyaha xisbiga Tayo ee Norway ayaa xili hore Klassekampen u sheegay in Abiib uu mustaqbal ku leeyahay siyaasada Soomaaliya, isaga oo katirsan xisbiga TAYO oo ah xisbiga madaxweynaha Soomaaliya ee hada xilka hayo.

Amb. Said Ali Fiqi ayaa sidoo kale horey warbaahinta ugu sheegay inuu diyaar u yahay in Passport soomaali ah uu usoo saaro Mahad Abiib, maadaama uu qirsanyahay inuu yahay muwaadin soomaali ah.

Laakiin si ay taas u dhacdo waa in Mahad uu marka hore passport-safar uu ka helo dowlada Norway, si uu u tago magaalada Brussels oo ah xarunta safaarada Soomaaliya ee EU-da.

Sida qorayo Klassekampen, Mahad ayaa shaley oo khamiis aheyd passport-safar ka codsaday dowlada Norway. Isaga oo sheegay inay Norway ay labo soo gasho: 

Ama xuquuqdii dib iigu soo celiya ama Soomaaliya dib iigu celiya.

Xigaasho: DAGBLADET

Axadle Times
Axadle International Monitoring – World
info@axadletimes.com

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA