SHARE
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Ganacsadaha ku caan baxay kala gudbinta daroogada Joaquin Guzman oo ku magac dheer El-Chapo, ayaa loo gacan geliyey dalka Maraykanka, sida dowladda Mexico ay sheegtay.Mr. Guzman ayaa la geeyay magaalada New York ee dalka Maraykanka, isagoo lagu qaaday dayuurad helicobter ah oo ay ilaalo xoogan ka hayeen ciidamada Mexico, halkaasoo uu ku wajahayo dacwad la xiriirta eedeymo fara badan.

Ninkan ayaa waxaa loo doondoonayaa ka ganacsiga daroogada, abaabulka falal dambiyeed iyo inuu si sharci darra ah lacago ugu dhex dirayay gobollada California iyo Texas ee waddanka Mareykanka.

Waxaa ninkan uu madax ka ahaa mid ka mid ah kooxaha dambiilayaasha ah ee ka dhisan gudaha waddanka Mexico, kooxdaasi oo lagu magacaabo Sinaloa Cartel, ayaa lagu eedeyaa inay daroogo geliso waddanka Maraykanka.

El-Chapo oo laba jeer oo hore ka baxsaday xabsiyo aad loo ilaaliyo oo ku yaalla dalka Mexico ayaa haddii dowlada Maraykanku ku hesho dacwadaha lagu soo oogay waxaa uu muteysan karaa xukun dil ah ama xabsi daa’in ah.

Mahad Yare
Axadle International Monitoring – Africa

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA