SHARE
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Muqdisho – Soomaaliya (AxadleTM) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay weerar Ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Weerarka oo uu fuliyay naftii halige ku labisnaa tuutaha ciidamada Militariga Somalia, ayaa ka dhacay Xerada ciidanka ee General Dhaga badan loo bixiyay ee Warshadii hore ee Nac naca Degmada Wadajir.

Naftii haligaha ayaa la sheegay inuu si toos ah u galay xerada, maadaama uu xirnaa tuutaha ciidamada Militariga Somalia, waxaana askarta ay moodeen askari ka tirsan xooga dalka Somalia oo ka mid ah ciidanka tababarka uga socda Xerada.

Ilo wareedyo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in dadka dhintay ay aad u badan yihiin oo ay gaarayaan 15, halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 15-kale, kuwaasi oo lagu dabiibayo Cisbitaalada Magalada Muqdisho.

Saraakiisha ku dhintay Ismiidaaminta ayaa kamid ahaa:

1-Madaxii Tababarada ee Xerada Warshadii hore ee Nacnaca Korneel Badri Sheekh Aadan.

2-Macalimiin Milateriga oo ay ka mid yihiin Korneel Bilaawe Cadde.

3-Laba xidigle Cabdi Xakiin

4-G/dhexe Abuukar Dheere.

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Ismiidaaminta sheegtay ayaa tilmaamay in xeradaasi ay ku dileen 25 ruux oo isugu jira Saraakiil iyo Askar kamid ahaa Milatariga Soomaaliya.

Dhinaca kale, DFS ayaan wali ka hadal Khasaaraha ka dhashay weerarka ismiidaaminta ahaa.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaado Ciidamada Milateriga, waxaana shalay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo uu la socday Taliyaha cusub Ciidamada xoogga dalka Jen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, kaasoo shalay un uu xilka la wareegay.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo is bedel guud lagu sameeyay Taliyeyaasha ciidamada.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo horaantii bishii February, waxaana ammaanka magaalada Muqdisho uu noqonayaa mid faraha ka sii baxayaan, dilal iyo qaraxyada oo sii badanaya awgood.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA