Home Somali #Dil loo geystay Xoghayihi degmada wadajir mid kalane lagu dhaawacay oo ka...

#Dil loo geystay Xoghayihi degmada wadajir mid kalane lagu dhaawacay oo ka dhacay Muqdisho

9
SHARE

Afhayeenka G/Banaadir ayaa Saxafadda uga waramay werarkii lagu dilay xoghayaha Wadajir laguna dhaawacay gudomiye waaxeedka.

Waxaa goordhow la toogtay Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow.

Xoghayaha ayaa waxaa toogasho ku dilay Kooxo ku hubeysnaa qoryo oo la socday Gaari waxaana la xaqiijiyay in goobta uu ku naf baxay Xoghayaha.

Kooxdaani ayaa waxa ay sidoo kale dhaawaceen Guddoomiye waaxeed ka tirsan Degmadaaas, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmadaas.

Axmed Cabdulle Afrax oo ah Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Xoghayaha ay geysteen Kooxo hubeysan oo la socday Gaari.

Waxa uu Guddoomiyaha sheegay in kooxaha hubeysnaa ay sidoo kale dhaawaceen Guddoomiye Waaxeed, wuxuuna intaa ku daray inay baadi-goob ugu jiraan shaqsiyaadkii dilka u geystay Xoghayaha isla markaana dhaawacay Gudoomiye Waxeedka.

Xoghayaha iyo Guddoomiye Waaxeedka ayaa wada saarnaa hal gaari waxaana lagu horjaray Gaari kale, sidaasina lagu Rasaaseeyay.

Ciidamada Degmada iyo kuwo kale oo gurmad ah ayaa iminka baaritaan kawada Degmada waxaana xiran wadooyinka si loo qabto gaariga falka geystay.

0 Users (0 votes)
Criterion 1
What people say... Leave your rating
Sort by:

Be the first to leave a review.

User Avatar
{{{ review.rating_title }}}
{{{review.rating_comment | nl2br}}}

Show more
{{ pageNumber+1 }}
Leave your rating

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA