SHARE
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Mogadihsu – Soomaaliya (AxadleTM)— Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa ku biiray wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Socdaalka Keating uu ku tagay Imaaraadka Carabta ayaa ka dambeeyay,markii Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho rasmi ah ku aadeen magaalada Abu Dhabi.

Waxaa jiray cabasho horay dowladda Soomaaliya u gudbisay dowladda Sacuudiga iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasoo ahaa saldhiga Milateri ee Imaaraadka ka dhisanayo Berbera.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalka Keating uu qeyb ka yahay cabashadan iyo arrimaha isku soo dhoweynta labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Micheal Keating ayaa la kulmay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha siyaasada ee Imaaraadka Carabta Ahmed Al Jarmani iyo madax kale, isagoo kala hadlay arrimaha Soomaaliya, sidii Imaaraadka Carabta u taageeri lahaayeen.

Sidoo kale Micheal Keating ayaa waxay isku arkeen magalaada Abu Dhabi Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad.

Danjire Keating ayaa sidoo kale la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa sheegaya in arrimaha looga hadlay kulamadan ay qeyb ka ahaayeen Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera, arrimaha labada dekedood, iyo taageerada Imaaraadka.

Kulamada Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa faah faahin laga bixin, inkastoo wakaalada wararka ee Imaaraadka carabta ay ku warantay kaliya in looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Imaaraadka u taageeri lahaa dowladda madaxweyne Farmaajo.

Imaaraadka Carabta ayaa horay u shaaciyay in dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay wax ka og yihiin  saldhiga Milateri ee ay Berbera ka dhisanayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay faah faahiso safarka Madaxweynaha iyo kulamadii dhex maray Madaxweynaha iyo Imaaraadka Carabta.

Axadle Times
Axadle International Monitoring – Africa
info@axadletimes.com

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA