SHARE
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Dowladda Burundi oo maanta billowday Habkii ay ciidamadeeda qeybta ka ah Amisom uga soo daad gureyn laheyd Soomaaliya, Arrimo kusalaysan muran dhinaca mushaarka la xiriira oo u dhaxeeya Dawaladda Burundi iyo Midowga Yurub.

Lacagta Mushaharka ciidamada Amisom ayaa waxaa bixiya Midowga yurub, haseba ahaate xukuumadda Bujumbura ma helin wax lacag ah muddo biloyin ah, sababo la xiriiro xayiraad Midowga Yurub ay saareen Xukumadda dalkaas Hogaamisa, kadib laba sano oo shaqaaqooyin siyaasadeed ah oo doorashooyinka ka hore ka dhacay dalkaa 2015 ka dhashay.

Midowga Yurub ayaa ka is hortaag kusameyey markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza uu is-beddel ku sameeyey dastuurka dalkaas si loogu ogolaado inuu mar saddexaad isku soo sharxo madaxwenenimo, kaas oo bishii July dib loo doortay.

Midowga Yurub ayaa doonaya inuu mushaharka oo gaaraya 5.3 milyan oo dollar bishii toos u siiyo ciidamada Burundi, hase yeeshee ayada oo aan weli wax heshiis ah la gaarin, ayaa madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu saraakiisha amray inay maanta billaabaan in ciidanka oo gaaray 5,400 oo askari laga soo saaro Soomaaliya.

“Waxaan go’aansannay sidii aan horey uu shaacinayba  inaan bilowno ka bixitaanka Soomaaliya, sida aan ballan-qaadnay, sababtoo ah ciidamadeena masii shaqeyn karaan haddii aysan heli daqligii ay ku hawl galilahayeen oo ah mid dhiri galin uu ah askari kaste oo hawlgal uu jooga dalka dibadiisa” Sidaas ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Burundin Gaston Sindimwo.

“Waan idinka jeclahay  inaan sii wadno taageeridda dawladda Soomaaliya iyo xaqiijinta amniga degmadan, balse waxaan ka marmi weyney ayaa na hortaagan oo inaan billowno qorshaha bixitaanka madama aysan cidaankeenu aysan helin meshaharadii loo qondeyey” ayuu yiri Sindimwo oo intaas ku daray in ciidamadooda aan mushahar la siin 12 bilood.

Hadaba Haddii ka bixitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya uu sii socdo waxay wiiqi doonta awoodda ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya taas oo shaki ka dhex abuuri karta dawladaha taagerada cidama bixiya iyo kuwa cidamada ka jooga in xaladan  oo kale ay iyaga laftooda ay qabsan karta mustaqbal,

Qeybah kale Wararka Degmadda:

http://axadletimes.com/2017/01/ismaaciil-cumar-geelle-oo-ka-hadlay-doorashooyinka-dalka-soomaaliya.html5

 

A.M
Axadle International Monitoring – Somalia

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA

SHARE
Previous articleBurundi to pull back AU troops from Somalia over pay rates unpaid by EU
Next articleWhat is in question as Somalia goes to the polls
I am a Linux server pro admin and enthusiast, an upcoming web developer, junior php developer.I am currently a content creator for Axadle, I love to play with Linux and all other distributions of it.I loves working with computers and strongly believes in sharing knowledge. Follow me For more insight into what is happening in Horn of Africa.