Home Opinion 26 Janaayo waa maalintii ugu dambeysay hanaan dowladnimo iyo nabad?

26 Janaayo waa maalintii ugu dambeysay hanaan dowladnimo iyo nabad?

66
SHARE

Xiligaan oo kale oo Ay maanta tahay Taaqrikhu 26-01-2017 waxaay ku beegan tahay markii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum. Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee dalka ka talineysay muddo 21-ka sano ah.

Ka dib markii Jabhado ku kacay xukunkiisa ay ugu dambeyntii caasimada kula dagaalameen ka dibna ka saareen.

Inkastoo marxuum Maxamed Siyaad Barre lagu eedeeyn jiray inuu ku xad gudbay arrimo badan oo ay ugu horeyso diinta Islaamka.

Isla markaana ay xubno ka tirsan qoyskiisa ku tagri faleen awooda iyo hantida Qaranka ayaa hadana laga soo bilaabo xiligii xoriyada la qaatay oo aheyd 1960-kii illaa ilaa xiligan burburka aan la heynin cid qabatay wax ka wanaagsan wixii uu u qabtay dalka iyo dadka Somaliyeed.

 

Maxaa Sabaab uu ahaa Kala Dadsanaanta Xukumaddii Kacaanka

Markii Soomaaliya ku fashilantay dagaalkii Ogadeniya waxaa bilowday kala daadsanaan sababtay in Xukuumaddii Jaalle Siyaad ku dhex milmaan rag xigto hoosaad la ahaa Madaxweynaha ilaa heer Wasiir min Agaasime ,Danjire, ilaa darajada ugu hooseysa , waxaana Dowladdii ay noqotay mid ku kooban hal qoys (Xigto iyo Xidid) oo ku amar ku taagleeya shacabka intiisa kale.

Caddaaladd darradii iyo eexdii uu abuuray Jaalle Siyaad waxay soo dedejisay in shacabku u adkeysan waayeen gabood falkii iyo xadgudubyadii ay geysan jireen shaqsiyaad ehel la ah Maxamed Siyaad Barre, taasoo dhalisay abaabul iyo kacdoon shacab oo ka bilowday gobolada dalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa marag ma doonta ah in ay dowladii kacaanka ay dalka ka abuurtay hanaan dowladnimo oo dhameystiran gacan bir ahna ku jiray, Kana dhigaay Dalka soomaaliya mid iskufilnaasho gaaray 80yadii.

Maxaa lagu xusuusto Dowladdii Kacaanka

Waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu xusuusto Dowladdii kacaanka oo  ka mid ahaaa waxbarasho lacag la’aan ah min Dugsi hoose illaa heer Jaamacadeed taasoo ay adkeyd in laga soo helo dal kale oo Afrikaan ah.

Ciidamo tayeysan oo mar noqday kuwa ugu fiican qaarada Afrika, amaan buuxa oo xiligii aad doonto socon karto adeegyo bulsho iyo waxyaabo kale oo aan la soo koobi karin.

Dhibaatooyinka ay dadka ku sheegan jireen xukunkii marxuum Jaale Siyaad Bare waxaa ka mid ahaa caburin dhinaca xoriyatul qowlka ah, Musuqmaasuq xarig dil lagula kici jiray cidii loo arko iney khatar ku tahay Dowladda, iyo kuwo kale kuwaasoo sababay in dadku ay u sacab tumaan Jabadihihii ku kacsanaa oo xiligaasi loo arkayey kuwo keeni kara xukun furfuran oo dhaama kii kacaanka. Balse noqdey hal bacad lagu lisaay.

Hase ahaatee, nasiib daro taasi ma dhicin, markii Maxamed Siyaad la eryey waxaa uu dalku galay dagaalo sokeeye oo aan dhamaaad laheyn kuwas oo ay horseed ka ahayeen jabhadii ka kacdoonka ku aha xukumadii siyaad bare oo aan  marka hanaan dawladnimo oo hogaamiya dalka aan soo bandhigiin.

Maxaaynu ka dhaxalnay Kacdoonki Jabhadaha

Waxaa jabhadahaas laga dhaxlay dagaal sookeye iyo burbur ay uu geystaan ilaha dhaqalaha ee dalka uu lahaa iyaago dhammaan bililiqeystay hanankii dawladnimo ee marka jiraay.

Jabhada ayaa asalkooda waxa soo dhisaay dawladoo ka soo horjeeda hananka dawladnimo iyo jiritaanka qowmiyaad soomaalida ee degaan ahaan Rabi ku beeray geeska afrika.

Hadii aan ku xasuusiyo Dawladaha jaarka aynu nahay waxaay amisaan yihiin in degaanada ay degaan yihiin dhammaan qowmiyada ku hadasha afka soomaliga marka lagu daro dalka aan dariska nahay ee jabuuti in asal ahaan ay hoos tagi jireen  dhulkii laysku oraan jiraay  dhulka xabadhida ee afka qalaad lagu yirahdo (Ardu xabashi)

Taas oo meesha ka saartey in dib ay uu curaato qaranimadii soomaaliweyn ee aan markaste ku hamijirnay in jiil naga mid ah ay mar uun hoos harsadaan Geedka soomaaliweyn.

Jabhadaha ka jira dalka ayaa markastana weji cusub oo horleh la soo baxayey iyaago dalka galinayey  marxalad cusub, xaalad fowdo iyo Jahwareer leh oo illaa hadda oo ay ka soo wareegtay xiligaasi 25 sano la la’yahay xal lagu soo celiyo Qarankii Soomaaliyed.

Hadda oo aynu joogno 26-01-2017 oo uu dalka marka jadwal  kale nalagu madadaalinaayo jawdakaln oo ay ka dambeyaan dawlado shisheekey oo danahooda eganay gaarka ah.

26-kii Janaayo oo ku beegan markii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u Naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee Somalia xiligaasi dadku aad bey ugu farxeen arrintaasi.

Balse maanta arki meysid shacabka Soomaaliyeed qof ku faraxsan arintaasi, sabaabtoo ah qofkaste waxaa uu amisaan yahay in dagaalka lagu deg degay oo ah mid ay maanta soomaali meel kaste oo ay joogto ay ka qoomameyneyso.

xitaa kuwii la dagaalamay waxaay kusheegayaan iney ka qoomameynayaan dagaalka ay la galeen marka loo eego wixii dalka ka dhacay markii xukunka laga tuuray iyo marxaladihii kala duwaan ee uu dalka soo marey.

Waxaayna maanta dadka Soomaaliyed qabaan inay tahay murugo Waayo? Waa maalintii ugu dambeysay dowladnimo iyo nabad, ayna soo bilaabatay dhibaatada aan dhamaadka laheyn ee ay oo aan wali ku jirno shan iyo labatan sano oo fawda ahoo an la garaneyn halka aan uu socono.

Waxaan buug xasuus  Qor ahaan uu Haystay oo aan dhihii karo waxaa uu ahaa bugaagtii ugu dambeysay ee ay dabacdo madbacad Qaranka Soomaaliya ayaan 26 bisha luulyo Qoraay Sidatan

“Soomaaliya Waxaay Marxaladaan ku jiri doonto 40 saano oo soo socoto”

Hadalkaas oo aan filaayo in sadaaalintisa ay uu eg tahay mid jidkiisa saraan. Waxaan Oraan laha Horey ayaa loo yiriyee “Ceelna uma qodna Geelna uma Maqna”  Soomaaliya Rabi ayaa uu Maqan.

Guntii iyo gabagabadii waxaan Eebe  uga baryayaa dalkeya in Eebe  Nabad ka dhig oo aan aragno Soomaaliweyn oo dib uu curatey markale. AMIIN AMIIN

Mahad Yare
Axadle International Monitoring – Africa

0 Users (0 votes)
Criterion 1
What people say... Leave your rating
Sort by:

Be the first to leave a review.

User Avatar
{{{ review.rating_title }}}
{{{review.rating_comment | nl2br}}}

Show more
{{ pageNumber+1 }}
Leave your rating

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA